Caddayn muujinaysa inay Dowladdu nafteeda uun ka fikirtey shacabkiina DAYACDAY!

0

(Hadalsame) 02 Maarso 2019 – Waxaa soo noqnoqonaya weerarro u muuqda kuwo markan si toos ah loogu beegsanayo shacabka oo ka imanaya dhanka Shabaab, waloow ay markii hore ku marmarsoon jireen inay DF iyo Ciidamo shisheeye la dagaalsan yihiin.

Haddaba, Maxamed Ciise Koonaa ayaa qoray arrin kale oo muujinaysa sida ay howlwadeenka DF Somalia naftooda uun uga ilaashadeen Al Shabaab, balse ay u baylihiyeen amaankii shacabka:

Haddii uu Agaasime wato laba Cabdi Bile.

Wasiirkii wato 3 Cabdi Bile iyo 2 gaari oo aysan rasaastu karin (bullet proof).

Taliyihii wato 20 askari iyo gaari Qooqan ah.

Jeneraalkii uu wato Guuto amaankisa sugta.

Ra’isulwasaarihii loo xirayo waddooyinka.

Madaxweynihii dartiis loo lugeeynayo si amaankiisa loo sugo.

Wasaaradihii askar iyo dhagxaan lagu wareejiyay.

Jid-cadayaashii biro lagu gooyay.

Haddaba Is weydii ”Dowladu ma Shacabkeeda ayay amaankiisa sugeysaa mise iyadii oo qura ayaa amaankeeda suganeysa?!! Oo dan kama laha ciddii kale ee baaba’aysa?!!

Ciidamada ilaalo ahaanta loo wato Muqdisho waa nabadayn karaan masuuliyiinta haatan qayb qaybta ciidanka u watana nabad ayay ku joogi lahaayeen magaalada, waxaase muuqaneysa dantii gaarka ahayd in loo dayacay tii guud.

Waxaa Qoray: Maxamed Ciise Koonaa

Hadalsame Media