Koox Kufsi ka gaysatay Soomaaliya oo dil wadareed lagu xukumay

0

(Garowe) 02 Maarso 2019 – Maxkamad ciidan oo ku taala Magaalada Garowe ee xarunta Maamulka Puntland, Soomaaliya ayaa xukun ku riday shan nin oo ku eedeysan inay ka dambeeyeen fal kufsi ah oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Shanta ruux ee la xukumay ayaa la sheegay inay kufsi wadareed ka geysteen magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana lagu xukumay dhamaantood dil toogasho ah.

Kiiskaan  ayaa la sheegay inuusa xiriir la lahayn kii loo gaystay Caaisha Ilyaas oo 12 sanno jir ahayd laguna kufsaday Gaalkacyo dabayaaqadii Bishii hore, balse waa kiis kale oo ka horeeyay oo isna ka dhacay magaalada Gaalkacyo.

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa Eedeeysanayaasha ku xukuntay Dil Toogasho ah, isla markaana waxaa Taliyaha Xabsiga dhexe ee Magaalada Garoowe lafaray in uu Xabsiga ku sii haayo Eedeeysanayaashan inta xukunka looga fulinayo.

Hadalsame Media