”Somalia xaal, xeelad & xoogba hallugu dayo!” – Nin Kenyan ah oo maqaal dheer ka qoray arrinta dhul-badeedka ay Kenya doonayso

0

(Hadalsame) 02 Feb 2019 – Tan iyo markii la riday xukuumadda Maxamad Siyaad Barre 1991 iyo dagaalkii sokeeye ee ka dambeeyau Soomaaliya waxa ay ahayd walina tahay (Failed state). Maadaama ay dal guuldarraystay tahay Soomaaliya ma leh awood maamul, mid millatari oo ay ku ilaaliso xudduudeheeda dhuleed iyo kuwa badeed.

Dhul ballaaran ayaa gacanta ugu jira Shabaab, ha hilmaamin burcad-badeedda xeebta dhererkeedu dhaafayo 3000km. In ka badan 3 milyan oo Soomaali ah ayaa dalka isaga cararay kuwaas oo badankoodu ay degeen Kenya.

August, 2014 dalka guuldarraystay waxa uu awooday in uu maxakadda Caalamiga ah ee Caddaaladda horgeeyo kiiska xudduuda badeedda lagu muransan yahay ee badwaynta Hindiya.

Muranka Soomaaliya iyo Kenya u dhexeeya, Soomaaliya waxa ay rabtaa in xariiqda xuduudka loo jiido si toosan oo ku aaddan xuduudka dhulka halka Kenya doonayso in xariiqda loo jiido dhanka bari.

Saddex, haddii Soomaaliya kiiska Kenya uga guulaysato, Kenya waxa ay luminaysaa 26%  (51,105km2) aaggeeda ganacsiga (Exclusive Economic Zone) iyo 85% (95,320km2) qalfoof-qaaradeedka dhaafsan 200 nautical miles.

Kenya iyo Soomaaliya qalfoof-qaaradeedka waxa ay la wadaagaan Tanzania. Si kale haddii aan u dhigno Kenya waxa ay noqonaysaa landlocked si kasta oo ay u leedahay xeeb dhererkeedu yahay 500km. Tusaalahaani kaliya ma ahan mid aan la aqbali karin ee balse dabcan waa in aan loo joojin xukunka ICJ.

Haddii aan ka hadalno si  la mid ah xeebaha adduunka khayraadkoda taariikh ahaan waxa uu ku salaysnaa awoodda ( dhaqaale, ciidan, siyaasad iyo diblomaasiyad) ee ma ahan mid sharci. Jasiiradaha Guam iyo Puerto Rico waa dhulal Maraykan waayo awoodda Maraykanka ayay ku ahaatay ee kuma ahaan maangalnimo ama go’aanno garsoorka caalamiga ah.

Falkland Islands 13,000km ayay Britain u jirtaa halka ay Arjentina u jirto 1,500km laakiin Britain ayaa iska leh sababtuna waa awoodda Navy-ga Ingiriiska ay dheeraayeen kuwa Argentina dagaalka  Falkland ee 1982.

Ayaga oo ku baraarugsan xaqiiqda awooodda  Shiinuhu waxa ay South China Sea u ka dhigeen Haro Shiine. Kadib markii ay dhiseen awood ciidan badeed iyo dhaqaale oo ay maquuniyeen dariskooda tartanka kula jiray.

July 2016 ICJ waxa ay Philippinese u xukuntay  Jasiiradaha ay shiinaha isku haystaan laakiin Madaxweyne Duterte-ha Philippines markii au uu yaqiinsan xaqiiqda awooda waxa uu muujiyay in uu wadahadal la galo Shiinaha si arringa wadaxaajood loogu dhammeeyo.

Tani waa dariiqa ay tahay in Kenya raacdo. Aragtidayda Kenya waa in ay samayso wax walba oo ay awooddo si ay Soomaaliya ugu qasabto in ay kiiska joojiso Kenya na ay caddaysi in aysan aqbali doonin guul walba oo Soomaaliya ka gaarto dacwada ICJ hortaalla Kenya ay go’aanka ay ICJ u qaadan doonto sharcidarro ilaa xudduud badeedka Afrika ee badwaynta Hindiya laga xadaynayo si Kenya qayb looga siiyo xeebta.

Si taasi u suurtogasho Kenua waa in ay ballaariso awooddeeda millatari iyo tan Navy haddii kale waligeed waxa ay wajihi doontaa caddaaladarro.

Si aan khalad la iiga fahmin aan caddeeyo ka qareen ahaan waan taageersanahay in loo hoggaansamo go’aannada laamaha caddaaladda laakiin waxay i la tahay in doqonnimo ay tahay in la iska indhatiro awoodda qaybsoga khayraadka badaha iyo go’aannada siyaasadeed ee laamaha caddaaladda adduunka.

Kiiskaan ICJ xaakimiinteedu waa 15 xaakim oo shanta dal ee awoodda waawayni min hal xaakim ku leeyihiin Afrika 3 leedahay ka kala yimid Udanda, Moroco iyo Soomaaliya oo uu u dhashay Madaxweynaha maxkamaddu Cabdiqawi Yuusuf si la mid ah Soomaaliya waxa ay kiiskaan xaraysay ayada oo ay dabada ka wadaan dalal reer Yurub iyo Bariga Dhexe ah.

Iyada oo la eegayo kambaniyada Caalamiga ah oo hadda go’aansaday in ay la xaalaan dalka guuldarraystay (Soomaaliya) iyaga oo dhabarka u jeediyay dalalka xasilloon (Kenya) Soomaaliya waa ay kaga hormartay Kenya ICJ-da, waayo waa ballanqaad maran oo lala galay Soomaaliya oo ay u badan tahay in ay qiime jaban ku xaraashto block-yo saliid iyo gaas ayada oo mustaqbalka dhow aysan Soomaaliya yeelan doonin awood ay ku ogaato khayraadka laga daabuli doono meesha lagu ”muransan” yahay.

Ugu dambayn, waa la yaab in Soomaaliya iyo taageerayaasheedu ay yiraahdaan Kenya waxa ay qaadatay dabeecad qallafsan oo ay Soomaaliya ku wajahday. Run ahaantii Soomaaliya waa in ay iska daysto in ay Kenyaanka oo dhan doqomo u malayso waayo haddii daanyeeryo Kenyan ah Shabaab ka dhaadhiciyeen in ay walaalohooda Kenyaanka ah dilaan ma ahan in Kenyaanka oo dhan doqomo yihiin.

Waa la wada og yahay in 50% Soomaalida Nairobi deggani ay dhawaan Soomaaliya ka yimaadeen Soomaalida Keenyana tiradooda ay si aad u aad kor ugu kacayaan.

Haddii aan Soomaaliya nabad noqon tobanka sano ee soo aaddan waxaa dhici karta in Soomaalida Kenya ay tiro bataan Soomaalida Soomaaliya.

Qodobkaan weeye kan in la dulistaago mudan, haddii xeebta dhererkeedu ka badan yahay 3000km ay tahay hanti Soomaalidi wada leedahay haddee Soomaalida Kenya na waa in ay qaybtooda helaan. Taasina ugu yaraan waxa ay u baahan tahay in xukuummada Soomaaliya kiiska ay ICJ ka soo celiso si arrinta si walaalnimo ah loogu dhammeeyo.

Sidoo kale siyaasiyiinta Soomaalida Kenya iyo kuwa qaylada badan ee la midka ahi waa in ay muujiyeen waddaninimo si public ah walaalohooda Soomaaliya ugu sheegaan in ay Kenya faraha ka qaadaan.

Waxaa Qoray: KIBE MUNGAI

Waxaa Tarjumey: Cali M Diini

Hadalsame Media