Waxay wiilkeeda ka tuurtay dabaqa 20-aad kaddibna way iska daba tuurtay!

0

(Miami, FLA) 28 Feb 2019 – Booliiska Miami ayaa sheegay in hooyo ay cunugeedii oo 5-jir ah kasoo tuurtay balkoonaha dabaq sare, kaddibna ay iyadu iska daba tuurtay.

Solanye Virginia Matosinstagram

Kooxaha Gurmadka ayaa kusoo baxay war sheegay qof “iska tuuray” Rise Brickell City Centre waxayna markiiba soo heleen hooyada iyo wiilka yar oo mayd ah, sida uu baahiyay WSVN.

Haweenaydan oo 37-jir ahayd, isla markaana ay qaraabadeedu ku sheegeen Solanye Virginia Matos, ayaa cowska dhulka laga helay iyadoo aan dhaqaaq lahayn oo mayd ah, sida uu faafiyey Telemundo.

Wiilka yar ayaa isaga laga helay balkoonaha dabaqa 6-aad, waxaana markiiba loola orday isbitaalka Jackson Memorial Hospital, halkaasoo uu ku dhintay isla markii la keenay.

Waxaa la sheegay in haweenaydu ay wiilka yar kasoo tuurtay dabaqa 20-aad kaddibna ay iska daba tuurtay oo ay geeriyootey, wax loo xukmiyey fal is miidaamin ah.

Hadalsame Media