Kenya oo bilowday galaangal caalami ah oo ay dunida uga iibinayso KIIS ka dhan ah Somalia

0

(Nairobi) 28 Feb 2019 – Wasaarad Dibadeedka Kenya ayaa warqado askhtako ah oo Somalia ka dhan ah u kala dirtay Golaha Amaanka Midowga Afrika iyo QM.

Wasiiradda Dibedda, Monica Juma, ayaa idaacadda Capital FM News u sheegtay inay dokumentiyo u kala direen dalalka xubnaha ka ah hay’adaha kor ku xusan, si bay tiri arrinta loogu caddeeyo.

“Waxaannu ku wargelinney xaaladda noo dhaxeeysa annaga iyo Somalia, maadaama ay jirto inay labada gole dareenkooda kusoo jeediyeen arrintan,” ayay tiri.

Danjirayaasha la kulmay Wasaarad Dibadeedka Kenya waxaa ka mid ah kuwa dalkaa u kala fadhiya Britain Nic Hailey iyo dhiggiisa Faransiiska Aline Kuster-Menager.

Ababu Namwamba, oo ah Xoghayaha Maamulka ee WAD Kenya ayaa sheegay inay ka gorgortamaynin wax uu ku sheegay ”madax bannaanida geyi ee Kenya”, waloow buu yiri uu dalkeennu xeerinayo “in lagu wada noolaado derisnimo la isku hubo.”

Juma ayaa sheegtay inay doonayaan in xal ”saaxiibtinnimo” loo helo wax ay ku sheegtay muranka xadka badeed ee labada dal ee Kenya iyo Somalia.

Kenya ayaa u muuqata mid doonaysa inay dunida ka dhaadhiciso in arrintan ay si gaar ah u galaan labada dal, iyadoo saluugsan Maxkamadda ICJ oo uu kiisku haatan hor yaallo, balse lama oga inay Somalia iyaduna haatan bilowday dadaallo lid ku ah kuwa Kenya iyo in kale.

Hadalsame Media