Kawaran adigoo dhulka xaaqaya hadaad hesho kumanaan doolar sideebaad yeeli laheyd: Halkan ka Daawo!

0

(Muqdisho) 27 Feb 2019 – Maqadiim Cabiib oo ah Muwaadiin Soomaaliyeed oo xoogsade ah islamarkaana ka shaqeeya dekad ku taala Soomaaliya ayaa goob uu qashin ka nadiifinayay ka helay bac ay ku jirto lacag adag oo dollar ah taasoo cadadkeeda lagu sheegay boqol kun oo dollar ($ 100,000)

Lacagtaasi waxay ahayd mid noloshiisa faqriga ah bedeli kartay maxaayeelay waxaa uu xoogsade ka ahaa dekad ka mid ah kuwa Soomaaliya ku yaala oo aan magacooda la shaacin.

Laakin waxaa uu sameeyay wixii saxda ahaa waxaana uu sheegay in lacagtaasi uu u qaaday gurigiisa muddo shan maalmood ahna uu hayay waxaana kadib uu yimid Masjid xaafadiisa ku yaala.

Masaajidka ayaa laga naadiyay lacagtaasi oo la yiri WARYAA ARKAYEEY LACAGTAAS faraha badan, waxaana Muqadiim uu sheegay in intii uu lacagta hayay aysan wax hunguri ah ka galin inuu qarsado waxaana taa bedelkeeda uu Allaah waydiistay in adoonkii lahaa uu u sahlo haddii ay xalaal tahay.

Masaajidka ayaa ninkii lahaa lacagta uu ka istaagay waxayna ay is heleen Muqadiim halkaasi ayaana abaalmarin lacageed uu ku muteystay. Muqadiim ayaa si baadi fur ah loo siiyay shan kun oo dollar waana lacagtii ugu badneed oo dollar ah oo uu helo mar qura waliba uu ku kasbaday wanaag uu sameeyay.

Muqadiim ayaa sheegay in bishiiba uu ku shaqayn jiray boqol iyo todobaatan doolar oo kaliya waxaana uu sheegay inuu la fajacay lacagtaan uu helay oo sida uu yiri u xirnayd Konton Konton Kun oo doolar.

Xaquuqda Muqaalka waxaa iska leh: Abdirizak Atosh

Hadalsame Media