Dowladdaha Soomaaliya iyo Qatar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal+ Sawirro

0

(Doxa) 27 Feb 2019 – Madaxweyne ddowladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Qatar Amiir Sheekh Tamiim ayaa kulan ay ku yeesheen Magaalada Doxa isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Labada hoggaamiye ayaa isla gartay dardargelinta mashaariicda horumarineed ee ay Dowladda Qatar ka fulinayso Soomaaliya iyo dhismaha kaabeyaasha dhaqaalaha oo muhiim u ah dib u soo kabashada dhaqaalaha guud ee Soomaaliya iyo isu socodka badeecadaha iyo dadweynaha.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Amiirka Qatar ka hadlay qaabka ay Dowladda Qatar gacan uga geysan lahayd xoojinta amniga Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha Ciidamada Qalabka sida, iyo sidii ay Dowladda Soomaaliya uga taageeri lahayd mashaariicda arrimaha bulshada sida caafimaadka, waxbarashada iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Labada dowladood ayaa sidoo kale isla meel dhigeen in Dowladda Qatar xoogga saarto maalgashiga Soomaaliya, gaar ahaan kalluumeysiga, xoolaha, beeraha iyo tamarta oo qayb weyn ka qaadan doona abuuridda fursado shaqo oo ay ka faa’idaystaan dhallinyarada Soomaaliyeed.

Hadalsame Media