”Kenya dani uguma jirto dagaal ay la gasho Somalia” – Business Daily Africa

0

(Nairobi) 26 Feb 2019 – Kaddib muranka diblomaasiyadeed ee ay Kenya iskeed u bilowday waxaa iska soo taraya wargaysyada Africa ee wax ka qoraya, iyagoo weliba u caqli celinaya Kenya oo la isku raacsan yahay inay ba’an tahay, haddaba waxaa arrintaa sheeko uu cinwaan uga dhigay ”Kenya dani uguma jirto colaad Soomaaliyeed” qoray warqaadka Business Daily Africa.

Haddii aannu nuxurka ka qaadanno, wargayska ayaa xusay tibix ay CIA-du masraxyada siyaasadda caalamiga ah kusoo kordhisey sanaddii 1954-kii oo la yiraahdo “blowback” kaasoo asal loo adeegsado marka uu gaaska ay tubbooyinku sidaan u soo noqdo jiho aan ahayn middii loogu tala galay ama geeddi socod siyaasadeed uu dhalo natiijo aan ahayn tii loo dhigtay.

Waxayna CIA xilligaa ku fashilantay faragelin ay ku samaysay siyaasadda gudaha Iiraan iyadoo Mohammed Mossadegh ku bedel is lahayd Reza Shah Pahlavi.

Wargaysku wuxuu tusaalahan usoo qaatay Kenya oo uu sheegay inay cawaaqib kaa u dhigma kala kulmi karto cadaawadda ay la doonanayso Somalia iyadoo garan waysan xasaasiyadda ay arrintani leedahay, jeer ay sidoo kale, qaab nabadeed u wajahdey muranno gayi oo kala dhexeeya dalal kale oo deriskeeda ah sida Uganda, South Sudan iyo Tanzania.

Wargayska ayaa soo qaatay buugga “Inside Al-Shabaab” ee Haaruun Macruuf iyo Dan Joseph oo soo xiganaya falanqeeye Faransiis ah oo la yiraahdo Roland Marchal kaasoo xusaya in Itoobiya ay 2007-dii ku fashilantay garan waaga xasaasiyadda taariikheed ee kala dhexeeysa Somalia markii ay gudaha u gashay dalkaasi, taasoo ay aad u eedday markii dambe.

Sababtoo ah Soomaalida oo xitaa iskaga kala yimid dibedaha ayaa ku biiray kooxihii la dagaallamayay oo ay Al Shabaabna ku jirtey, iyagoo u arkaya ciidamo cadow ah oo dalkooda kusoo duuley.

Kenyan oo ay iyadana ciidamo ka joogaan Somalia dhaqankan hujuumiga ihi wuxuu kicinayaa dareenka shacabka Soomaaliyeed oo markaa u arki kara ciidamo duullaan ah, taasoo ay ka faa’iidaysan karto kooxda Shabaab kaddibna wax u dhimi karta amaanka gobolka, sida uu qabo wargaysku.

Danta Kenya markaa waxay ku jirtaa inay deris iyo saaxiib la ahaato Jamhuuriyadda Soomaaliya, kaddibna ay iskaashadaan, waayo taariikhda waxaa ku cad inay dhib badan tahay marka aad deriskaada col tihiin, ayuu warkiisa kusoo koobay wargaysku.

Isha: Business Daily Africa

Waxaa soo Koobay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media