Sidee ayay Soomaalidu u aragtaa damaca Kenya? Nin Kenyan ah oo maqaal dheer ka qoray

0

(Hadalsame) 25 Feb 2019 – Kiiniyaanka badankoodu ma oga, in shacabka Soomaaliyeed ay muranka labada (Soomaaliya iyo kenya) u arkaan mid caddeynaya axmaqnimada iyo harraadka ay dawladda Kenya u qabto in ay boobto khayroodka.

Sidaas waxaa warbixin dheer oo qoray ku bilaabay waragayska caanka ah ee ka soo naxay Kenya lagu na magacaabo Daily Nation.

Tani waa dhanka kale sheekada  muranka xuduudka badda iyo aragti ay toban-sanaayaal badan uu aaminsanaayeen dariska Kenya.

Tan iyo sabtidii hore markii Kenya ay Soomaaliya ku eedaysay in ay xaraashtay ceelal shidaaloo lagu mursan yahay kuwaas oo ku yaal badwaynta Hindiya, warbaaahinya bulshada iyo kuwa kale ee Soomaaliya ba waxa ay Kenya ku eedeeyay hunguriyaynta khayraadka ayna doonayso in ay Soomaaliya cariiqsato si ay isku dhiibto.

Soomaalida qurbaha ayaa caradooda warbaahinta bulshada ku muujiyay waxa ayna sameeyeen hashtag #SomalivsKenya

Tifaftirayaasha Wargaysyada Soomaalida ayaa ayaguna calaamad su’aal saaray danaha Kenya ay Soomaaliya ka leedahay, qaar badan oo ka mid ahi waxa ay dhaleeceeyeen warsaxaafadeedkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya waxa ayn aku tilmaameen mid ka maran luqadda diblomaasiyadda oo handadaad ah.

Sabtidii ayaa Kenya u soo qaadatay Safiirkeedi Muqdisho sidoo kale a erisay midkii soomaaliya ku sababaysay waxa ay ugu yeertay wadatashi deg deg ah oo ku saabsan muranka badda oo lagu tirinayo in mid ay duugan yihiim saliid iyo gaas badan.

Warqadda Kenya qortay ayaa Soomaaliya ku eedaynayay in ay si sharcidarro ah u boobtay khayraadka Kenya laakiin Halbeeg News ayaa arrinta sida kale u dhigay.

Siyaasiyiinta Soomaaliya ayaa ayaguna Kenya eedeeyay in ay u dhaqantay si axmaqnimo ah.

HARDAN DHANKA KHAYRAADKA AH

Arbacaddii Madaxweyne maamulka goboleedka Hirshabeelle ayaa Kenya ku eedeeyay in ay waddo daandaansi asaga oo dhanka kalena ku ammaanay xukuummadda Madaxweyne Farmaajo sida xirfadda iyo degganaanta leh ay Kenya ugu jawaabtay.

Muran badeedku waa mid uu daba ka riixayo kala orod loogu jiro khayraadka badda, gaar ahaan saliidda ay macquulka tahay in ay aaggaas ceegaagto iyo sidoo kale wax ka beddelidda xeerka caalamiga ah ee badaha kaas oo si guud u diifaaca danaha guud ee dawladaha oo dhan diidayana danaysiga gaarka ah.

DHUXUL KA GANACSIGA

Waxaa Kenya arrinta ku sii murjinayaa waa warbixinnadda Ururka  Qararamada Midoowbay ee Soomaaliya iyo Eritrea kaas oo farta ku fiiqay ciidanka Kenya ee Jubbooyinka jooga kuwaas oo lagu eedaynayo ka ganacsiga dhuxasha oo Soomaaliya laga mamnuucay.

Warbixintii ugu dambasay oo soo naxday November sannadkii hore waxa ay sheegtay in Shababa wali lacago adag ka helaan dhuxusha ayadoo ay jirto in ciifanka  Amisom (Kenya) uu carriga joogo.

Ciidanka Kenya ee Soomaaliua jooga waa ay beeniyeen in ay ku lugleeyihiin ka ganacsiga dhuxusha sharcidarrada ah.

FEDERAAL

Wargaysku waxa uu soo qaatay maqaal uu horay qoray qareen  Kenyan ah oo laguagacaabo Karanja Kabage kaas oo ku taliyay in kenya iyo Soomaaliya ay hal dal oo federaal ah noqdaan. Wargaysku waxa uu sheegay in dadka soomaalidu aad uga xanaaqeen qoraalka qareenkaas.

“Haddii labad aqaran ka midoobaan arrimaha defaaca, nabadgalyada, arrimada dibadda, beeraha, waxbarashada, caafimaadka, ilaalinta xuduudaha iyo badaha waxa ay abuurayaan cudud xoog leh oo marka la isku daro awooddeeda dadeed iyo tan khayraad ka dhiganayay Federaalka Bariga Afrika meel soo jiidata maalgashiga,” ayuu yiri Mr. Karanja.

Laakiin  qareen qaxa uu taabta meerfayaasha soomaalida markii uu sidaam yiri ” tani (midowga) waxa ay inoo ogolaanaysaa in aan ka faaidaysanno khayraadka badda dhererkeedu yahay 3,800km”.

QAXOOTIGA

Falanqeeye siyaasadeed oo kale, Cabdi Macallin, ayaa Nairobi ku eedeeyay in ay qaxootiga soomaaliyeed ee Kenya ku nool u isticmaalayso kaar siyaasadeed ay soomaaliya ku handaddo.

“Muran badeed wax shuqul ah kuma leh xaqootiga. Kenya waajib caalami ah ayaa ka saaran martigalinta qaxootiga iyo nabadgalyo doonka sida uu qabo xeerka Qaramada Midoobay ee qaxootiga iyo baratakoolka dalalka saxiixay”.

Sidoo kale ciidanka Kenya ee Soomaaliya jooga ayaa lagu eedeeyay in aysan u joogin difaaca Soomaaliya iyo la dagallaanka Alshabaab balse ay u joogaan danaha Kenya iyo ay magac ku helaan joogistooda Soomaaliya.

WADAHADALLO

Wargayku waxa kale oo uu ku baaqay in wadahadal arrinta lagu dhameeyo balse waxa uu rajo xumo ka muujiyay in taas waqtigeedi la dhaafay asaga oo sidoo kale sheegay in soonaaliya ay doorbidayso in arrinta maxkamadda ICJ loo daayo oo go’aankeeda la sugo.

Wargaysku waxa uu qoray in Kenya dadaal badan ku bixisay in arrinta muranka si hoose oo labada dal u dhaxaysa lagu dhammeeyo ayada oo la xeerinayo darisnimada iyo walaalnimada. Sida uu hafalka u dhigay. Wargayku waxa uu dawladda Kenya ku dhaleeceeyay in ay ka gaabisay in ay goor hore Soomaaliya wadahadal la gasho waxa uu na ku eedeeyay xoog daliignimo iyi ay xattaa u gooyeen waftigii soomaaliyeed taas oo Soomaaliya aad uga carootey.

Wargayski waxa uu warkiisa ku soo gunaanaday haddii Soomaaliya ku guulaysato kiiska ICJ horyaalla in Kenya ay soo harayso saddex xagal yar oo bad ah kaas oo ka xanniban badaha sare.

Waxa uu na dawladda uga digay in ayba noqon karo dal bad-xiran ah.

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini

Hadalsame Media