Ciidamo Itoobiyaan ah oo maanta iskaga baxay Kismaayo + Sawirro

0

(Kismaayo) 25 Feb 2019 – Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada hoose ayaa waxaa maanta ka dhacday munaasibad lagu sagootinayay ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM.

Ciidamadan oo ka socdey dalka Itoobiya, ayaa sida la sheegayo dhameystay shaqo qayb ka ah howlgalka AMISOM oo ay muddo hal sano ah halkaa ka hayeen.

Lama faahfaahin halka ay ciidamadan baxay aadayaan, in ay Itoobiyaanku halkaa ka wada bexeen iyo cidda ay tahay ciidamada bedelaya, balse waxaa loo qabtay xaflad ay soo xaadireen Ilaa hadda lama shaacin ciidamada lagu beddelay cidiankan baxay Madaxweynaha Jubaland, Taliyaha AMISOM, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Ciidamada Itoobiya ee maanta ka baxay magaalada Kismaayo oo lagu amaanay inay si hufan oo geesinnimo leh hoowshooda u guteen sida la yiri ayaa Kismaayo u yimid inay bedelaan ciidamo ka socdey Sierra Leone oo halkaa ka baxay laba sanadood kahor.

Hadalsame Media