Wadamada Carabta iyo Midowga Yurub oo maanta shir uga furmayo Shirmal El-Sheikh

0

(Qahira) 24 Feb 2019 – Shirka madaxda wadamada Jaamacadda Carabta iyo midowga Yurub ayaa maanta ka furmaya Magaalada Sharmal El-Sheikh ee dalka Masar halkaas oo ay gaareen hoggaamiyaal badan.

Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka mid ah madaxda lagu casuumay shirka waxaana Madaxwaynuhu tagay Masar Shalay oo Sabti ahayd.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed ciise Cawad oo ku sugan Masar ayaa sheegay in shirkaasi looga hadli doono xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka Carabta iyo Midowga Yurub.

Waxyaabaha kale ee la filayo in Sharkaasi looga hadlo waxaa ka mid ah xal u helida tahriibka, amniga iyo sidoo kale xasaradaha ka jira qaar ka mid ah wadamada Carabta.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa inta shirku uu socdo waxaa la sheegay inuu kulamo gaar gaar ah la yeelan doono hoggaamiyaasha dalalka Carabta iyo kuwa ka socda Midowga Afrika.

Shirkaan muhiimadiisa ayaa ah in dalalka Midowga Yurub ay doonayaan inay xiriir wanaagsan la yeeshaan wadamada Jaamacadda Carabta.

Hadalsame Media