”Haynaga boxo!” – Jasiiradda Okinawa oo berri afti u qaadaysa saldhigyada Maraykanka & dowladda Japan oo go’aan soo saartay! + Sawirro

0
Dayuuradaha Maraykanka ee V-22 Osprey oo fadhiya saldhigga Futenma

(Okinawa) 23 Feb 2019 – RW Japan ee Shinzo Abe ayaa sheegay inay dowladdu sii amba qaadayso qorshaha dib u meelaynta saldhigga muran dhaliska ah ee uu Maraykanku ku leeyahay gasiiradda Okinawa, tiiyoo ay diiddan yihiin dadka maxalliga ihi.

Okinawa ayaa waxay saldhig u tahay 3 meelood oo 2 meelood ciidamada Maraykanka ka jooga Japan tan iyo dagaalkii 2-aad ee adduunka, waxayna dowladda Japan doonaysaa inay saldhigga ciidamada badda ee Futenma, oo deggan meel ay dadku ku badan yihiin – u rarto meel degaanka ka yara fog oo Henoko la yiraahdo, taasoo ah xeeb hodon ku ah meelaha uu kalluunku ku tarmo ee loo yaqaan Coral-reef-ka.

Dadka gasiiraddaasi ku dhaqan ayaa ka cabanaya shilal dayuuradeed oo soo noqnoqday, dilal iyo falal kufsi ah waxayna codsanayaan in gebi ahaanba laa raro saldhigyada Maraykanka.

Okinawans ayaa berritoole afti maxalli ah u qaadaysa iyadoo lagu wado in 70% ay ”maya” ku codeeyaan, sida ku dhigan Kyodo News.

via GIPHY

 

Barasaabka Okinawa, Denny Tamaki, oo ololaha kusoo galay in xerooyinkaas laga raro ayaa ilaa Washington DC u tegey qalqaalo arrintaasi la xiriirta (lobby), balse dowladda Japanese-ka ayaa qorsheheeda sii wadeeysa “iyadoo aan u joojin doonin natiijo kasta oo kasoo baxda aftidaa maxalliga ah,” sida uu Abe baarlamanka dhexe u sheegay.

Hadalsame Media