”Been baad sheegtay!” – Netanyahu oo ku been abuurtay Somalia & muran ka taagan!

0

(Tel Aviv) 24 Feb 2019 – Ra’iisul wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu ayaa lagu haystaa inuu ka been sheegay xiriir diblomaasiyadeed aan jirin oo uu sheegay in dowladdiisa ay la leedahay Soomaaliya iyo Jabuuti.

Dooddan ayaa ka dhalatay qariirad uu maamulkiisa diyaairiyey, oo  Netanyahu uu dhowaan tusiyey hogaamiyayaasha Yahuudda-Mareykanka. Qariiradda ayaa waxaa midabo kala duwan ay ku muujineysaa xiriirada kala duwan ee Israel la leedahay dalalka Afrika.

Sida uu qoray wargeyska Times of Israel, warbixinta la socota qariiradda ayaa cinwaan looga dhigay “Israel waxay ku laabaneysaa Afrika” waxaana dalalka Afrika ay u qeybineysaa afar nooc oo afar midab kala ah.

Mid ka mid ah afartaas midab oo ah midabka buluga qafiifka ah, ayaa waxaa lagu muujiyey inay yihiin dalalka Israel ay la leedahay xiriirka diblomaasiyeed, balse aysan wax safaarad ah ku lahayn.

Waxaa dalalkaas ku jira Soomaaliya iyo Jabuuti, hase yeeshee wargeyska Times of Israel ayaa qoray in maamulka Netanyahu uu arrintaas ka been sheegay, islamarkaana labadaas dal aysan wax xiriir ah la lahayn Israel.

Xafiiska Netanyahu iyo wasaaradda arrimaha dibedda oo wargeyska uu wax ka weydiiyey arrintan ayaa diiday inay wax jawaab ah ka bixiyaan.

Si kastaba, sarkaal sare oo ka tirsan dowladda oo codsaday inan magaciisa la sheegin ayaa wargeyska u sheegay in la midabeeyo Soomaaliya iyo Jabuuti laguna sheego inay xiriir la leeyihiin Israel ay ahayd qalad ay sameeyeen kooxdii diyaarisay qariiradda.

Netanyahu oo wajahaya doorasho adag oo dhowaan dhaceysa ayaa loo arkaa inuu sidan u sameeyey inuu ku xoojiyo guulihiisa siyaasadda arrimaha dibedda.

Xigasho: Caasimadda.com

Hadalsame Media