‘Haddii ay xoolaha iyagu xaaraan ku haystaan adna waa kaa xaaraan!”

0

(Hadalsame) 24 Feb 2019 – Boqorkii u horreeyey Cabbaasiyiinta oo la oran jirey Abul Cabbaas Alsafaax (Dhiigyacab), ayaa si xun u laayey Reer Banii Ummayah oo xukunka kaga horreeyey. Xoolahoodiina wuu la wareegay.

Wuxuu u yeeray shiikh la oran jirey Awzaaci wuxuuna weydiiyey in xoolihii Banii Ummaya xalaal u yihiin?

Shiikhii wuxuu yiri: ”Hadday iyagu xaaraan ku haysteen adigana waa kaa xaaraan. Hadday iyaga xalaal u ahaydna, adiga waa kaa xaaraan oo qof xoolo uu xalaal ku haysto lagama qaadan karo.”

Waxaa Diyaariyay: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media