”Kenya ha sugto go’aanka maxkamadda” – Wargayska The Star oo Kenya u sheegay inay digdigta joojiso!

0

(Hadalsame) 24 Feb 2019 – ”Kenya waxay u baahan tahay inay codkeeda gaabiso, dhanka muranka xad badeedka kala dhexeeya Somalia” sidaa waxaa qoray warqaadka The Star.

Khamiistii, Wasiir Dibadeedka Kenya, Monica Juma, ayaa warfidiyeenka ku tiri: “Somalia uga tanaasuli mayno hal inji oo geyiga Kenya ah” iyadoo sidoo kale Somalia usoo jeedisey inay raalli gelin bixiso maadaama bay tiri ay dalalku sababo intaa ka yar ku dagaallamaan, taasoo aan ka iman dhanka Somalia.

Wargayska ayaa sheegay in waloow ay Kenya xaq u leedahay inay gudato mas’uuliyadda ka saaran wax uu ku sheegay madax banaanida gayi, misna luuqadda ay adeegsanayso loo qaadan karo mid ay ka muuqato cabsi gelin iyo khasbitaan.

Arrintan ayaa Kenya sawir khaldan ka bixinaysa maaddaama ay kiiskani horyaallo maxkamadda ICJ halkaasoo ay labada dalba doodohooda gaysteen — waloow ay Kenya doorbidayso xeer jajab sidii ay codsatay 2009 — Somalia ayaa ku guulaysatey wareegga 1-aad ee dacwadda oo aan weli xukun kama dambayn ah laga soo saarin, ayuu leeyahay wargayska The Star.

In la garaaco durbaanno colaadeed waxba xallin mayso, sidaa darteed waa muhim inay Kenya sugto go’aanka maxkamadda ICJ, ayuu ku taliyay wargaysku.

Dad badan ayaa tillaabada Kenya ka dhex helay inay la socoto inaysan ku guulaysan doonin maxkamadda ay haatan dacwaddu hortaallo, sidaa darteed, bay iskaga dhaadhicisay inay ka faa’iidaysato qaybsanaanta Soomaalida.

Hadalsame Media