Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu dilay Muqdisho

0

(Muqdisho) 23 Feb 2019 – Xildhibaan Cusmaan Cilmi Boqore oo ahaa ninka ugu cimriga weyn Golaha shacabka Soomaaliya ayaa goor dhow lagu dilay degmada Kaaraan ee Magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan hay’addaha amniga.

Dilkaan oo aan wali faahfaahin cad laga helin ayaa la sheegay inuu dhacay maqribkii caawa waxaana marxuunka lagu dilay meel aan sidaas uga fogeyn hoygiisa oo ku yaala degmada Kaaraan.

Ciidamo ka tirsan goobta dilku ka dhacay ayaa la sheegay inay soo qaadeen meydka Marxuunka. Kooxaha dilka gaystay ayaa la sheegay inay wateen gaari yar, hase ahaatee illaa hadda ma cadda haddii marxuunka la dilay uu watay illaalo iyo in kale.

Warar aan la xaqiijin oo ka soo baxaya Maamulka degmada Kaaraan ayaa sheegaya in la qabtay koox lagu tuhmayo inay dilkaan ka dambeeyeen.

Waa xildhibaankii ugu horeeyay oo muddo labo sanno ah lagu dilo Magaalada Muqdisho waxaana xildhibaan Boqore uu ka mid ahaa Xisbiga Madaxwaynihii ee Hore Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud.

Ma jirto cid illlaa hadda sheegatay masuuliyada dilkaan waxaase falalka nuucaan ah inta badan looga bartay ururka Al-Shabaab.

Hadalsame Media