”Weligeey caruurteyda iyo xaaskeyga uma sheegin waxa aan ka shaqeeyo!” – Sheeko xiise badan & sabab yaab leh

0

(Hadalsame) 23 Feb 2019 – Nin oday ah oo qof qoys ah ayaa ka sheekeeyay sida uu ugu noolaa laba nololeed oo is barbar yaalla, waxaana uu yiri:

✔️ Weligeey caruurteyda iyo Xaaskeyga uma sheegin waxa aan ka shaqeeyo, ma jecleysan in ey maalin xishood iyo hooseyn dareemaan aniga dartey, Waxa Uu Alle isiiyay 4-Gabdhood Oo Wanaagsan, Gabadheyda yar marka ay i weydiiso waxa ay tahay shaqadeyda waxaan si ka labalabayn leh ugu sheegi jirey inaan ahay xirfadle gacanta ku shaqeeya.

✔️ Maalin kasta inta aan kusoo laaban guriga waxaan soo mari jirey oo dhaqan ii Aheed goobaha dadweynuhu ku qubeystaan si markaan guriga usoo gaaro aysan u garan caruurteyda waxaan soo qabanayey, Waxaan go’aansaday dhammaan gabdheyheyga iney dugsiyada wada dhigtaan, waxaan jeclaa iney wax bartaan, waxaan doonayay in ay dadka hor yimaaddaan iyagoo sharaf leh naftoodana ku kalsoon , Marna ma rabin in lagu fiiriyo si yasmo ku jirto sida ay dadku aniga igula dhaqmaan.

✔️Lacag kasta ee aan helo waxaan meel u dhigi jirey gabdhaheyga si ay wax ugu bartaan, weligey ma gadan shaati cusub, intaan gadan lahaa shaar waxaan ka door bidi jirey in aan buugaag ugu soo iibiyo, qaddarin aan meel kale ka waayey ayaan is lahaa gabdhahaaga ayaad ka heli doontaa.

✔️Waxaan ahaa shaqaale nadaafadeed, Maalin ka hor markii ay gabadheyda curadda ah Ee Amal ugudbeysay jaamacada ma aanan heysan lacag aan kugeeyo Jaamcada si loo aqbalo, maalintaa iima suura galin in aan shaqeeyo culeys dartii, waxaan iska ag fariistay qashin qubka anigoo isku dayaya in aan qariyoDareenkeyga Qaar kamida Asaxabtii aan wada shaqeyneynay AyaDareemay Culeyska iheysta.

✔️Waxaan weligey ahaa faqiir, waxaan rumeys si dhab ah in aysan jirin wax u hagaagaya qof aan waxba heysan ama nolosheyda oo kale ku nool, maalintaas markey shaqada dhamaatay waxaa ii yimid dhamaan dadkii aan wada shaqeynayn jirnay ku dhawaad 150-Qof Aya Agteyda soo wada fariisteen waxayna i weydiiyeen manoo aqoonsan tahay in aan nahay walaalahaa!? Intaan u jawaabin ayay i siiyeen dhamaan lacagihii ay maalintaas shaqeeyeen Waan isku dayay in aan ka diido, balse way ka hor yimaadeen iyagoo leh, waa in ey gabadheena jaamacadda aaddo xitaa haddii aan Anagu gaajo kujirno waan iska ilmeeyey Mana awoodin inaan ka diido.

✔️Maalintaas sidii aan caadeystay ma marin musqulihii aan kusii qubeysan jirey, Waxaan tagay gurigeyda anigoo dhul xaaqe wasaqeysan ah sidaan maalin walba ahaan jirey, Hadda nasiibw gabadheyda Amaal Jamacadii Wey dhameysay Waxa Ayan Ka Shaqeysaa Bank-ga Dhexe Ee Dalka, Saddexda kalena waxay heleen deeqo waxbarasho oo lacag la’aan ah, Hada Nolosheyda Hada Waa Mid Qurux badan Aniga iyo Qoyskeyguna Waxan ku noolnahay Nolol Qurxoon, Wali Waan Xasuustaa Garab istaagii Ay iisameeyeen Asaxaabtii Aan shaqo wadaaga aheyn mana Hilmaami.

✔️Aniga iyo Hablaheyga mararka qaar waxaan Aadnaa meeshii aan ka shaqeyn jirey si aan cunto ugu geyno saaxiibadeydii hore…..mid ka mid ah saaxiibadey ayaa kula kaftamay Gabadheyda Weyn Ee Amaal maxaad noo siisanaysaa cuntadan? Markaasey gabadheyda ugu jawaabtay dhamaantiin maalin ayaad u rafaadeen gaajo aniga dartay ilaa aan gaaro heerka aan maanta joogo.

Waxaa Diyaariyay: Haaruun M. Xaashi

Hadalsame Media