Atirishada Angelina Jolie oo bilowday barashada Diinta Islaamka + Sawirro

0

(Los Angeles) 23 Feb 2019 – Qalanjada Hollywood ee u dhalatay dalka Maraykanka ee Angelina Jolie ayaa sanadihii dambe xiise u muujinaysay diinta Islaamka iyo dadka Muslimiinta.

Ms Jolie ayaa danjire sharafeed u ah hay’adda qaxootiga ugu qaybsan QM ee UNHCR, isla markaana booqatay dalal ay Somalia ka mid tahay, iyadoo xeryaha barakacayaasha kula kulantay dad Soomaaliyeed.

Waxaa dhowaanahan lasoo sawiray iyadoo caawinaysa qaxooti Suuriyaan ah, mar wax laga waydiiyay ra’yiga ay ka qabto diinta Islaamka waxay tiri:

”Waxaan si qoto dheer u baranayaa Islaamka, waxaana kaliya ka helay nabad iyo farxad.”

Waxaan ALLE uga baryaynaa hanuun buuxa. Aamiin

Hadalsame Media