IFTIIMIN: Madaxda reer Galbeedku waxay daadihinayaan diktatooriyad ay dantoodu ku jirto, balse dooni maayaan dimoqraadiyad dantooda ka horjeedda!!

0
French president Emmanuel Macron (L) and his Egyptian counterpart Abdel Fattah Al-Sisi (R) take part in an official diner at Al Massah hotel, in Cairo, on January 28, 2019. (Photo by Ludovic MARIN / AFP) (Photo credit should read LUDOVIC MARIN/AFP/Getty Images)

(Hadalsame) 22 Feb 2019 – Cadaadiska daran ee maamulka Masar ku  hayo mucaaradka dalkaas waxa uu sababay in geyfanayaal badani si cagojiid afkooda uga xirtaan rajiimka Cabdifataax Siisi.

Mawjado geyfanayaal siyaasadeed ah oo la curtay kacdoonkii gu’gii 2011 ayaa daciifayay tan iyo markii millatariga dalka afgambiga ku qabsadeen bishii july 2013. In aad u yar oo  dimoqraadiyiin iyo u doodayaal xuquuqda aadanaha ah ayaa ku dhiirranaya in ay u babacdhigaan ragiimka, kaas oo ay ku mudan karaan maxkamad ciidan, jirdil, xarig aan loo meeldayin iyo in ayaga dhanba la waayo meel ay jaan iyo ciribdhigaan. Si ay qabyo hay’adda Xuquuqda aadanuhu.

Ayada oo xaalku sidaan yahay la yaab bay noqotay markii ay warbaahinta bulshada buuxdhaafiyeen muuqaallo ay muuqdaan dad badan oo ka kala yimid bulshada qaybeheeda kala duwan kuwa dhawaaqaya “Aniga oo ah muwaadin Masaari ah ma doonayo in dastuurka la beddalo.” Haddii dastuurka la beddalo, waxa ay u gogol-xaaraysaa in Cabdifataax Siisi kursiga mu fadhiyo ilaa 2034. (Siisi markii uu ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, sannadkii 2013 waxa uu hoggaamiyay afgambigii xukunka looga tuuray Madaxweynihii hore Maxamed Mursi, sannad kadib na waxa uu noqday Madaxweyne).

Dastuurka Masar waxaa la qoray la na ansixiyay 2014 kadib kacdoonkii, waxaana qodob ka mid ah dhigayaa muddo xileedka Madaxweynaha oo ah labo jeer oo min afar sannadood ah. Tanina waa midda ay taageerayaasha Siisi doonayaan in la beddalo.  Arrinta beddalaada ayaa waxaa lagu faafiyay qaybo warbaahinta ka mid ah oo lagu yaqaan in ay aad ugu xiran yihiin rajiimka Siisi. waxa ka beddalidda ayaa Baarlamaanka la horkeenay, kaas oo si hordhac ah u ansixiyay Khamiistii.

Wax ka beddelka ayaa hadda Guddi-Hoosaadka Baarlamaanku eegidoonaan kadib inta aan cod labaad loo qaadin. Haddii Baarlamaanku ansixiyo, waxaa loo qaadayaa afti dadwayne. Nasiibdarro awood maroorsiga Siisi waxa ay aamusnaan kala kulantay hoggaamiyayaasha Galbeedka ee sheegta in ay u taagan yihiin ilaalada xuquuqda aadanaha iyo talowadaagga.

Masaari badan ayaa goor horeba online-ka ku muujiyay si ay u diiddan yihiin wax ka beddalka dastuurka. Bedi muuqaallada waxaa waxaa soo dhigay dadwaynaha caadiga ah halkii ay in badan oo dadkii muctarifka ahaa ay xabsiyo ku jiraan, ama ay dalka isaga carareen ama se waa ay isqarinayaan si ay uga badbaadaan seefta ciidanka ammaanka.

Yeelkeede, boqollaal muuqaallo caro ah ayaa la soo dhigay bog Facebook ah oo aan la qoon cidda leh. Bogga ayaa ku sheegay qorshihiisa isbeddal ka dhaca Masar iyo qorshaynta abuuridda isbeddalka. Dadka caadiga ah ayaa iska soo duubaya muuqaallo ay ku diidan yihiin wax ka beddalka dastuurka waxa ayna si talantaalli ah u soo dhigayeen warbaahinta bulshada ayaga oo muujinaya wajiyo aan la aqoonsan karin oo isugu jira dad waawayn, dhallinyaro, dabaqadda shaqaalaha iyo kuwa kale.

Qaar ayaan gabi ahaanba muuqaalkooda la arkayn, kaliya codad ayay soo dhigayaan si ay uga bedbaadaan waxyeellada maamulka. Kuwa ka faalloonayay ayaa aad u la dhacsan kuwa diiddan wax ka beddalka dastuurka waxa ayna u qorayaan “Ilaahay ha idin bedbaadiyo” “Nabad gala, Bravo iyo waan guulaysannaynnaa.”

Kuwa badan oo muuqaallo soo dhigay ayaan la sheegin in la xirxiray ama la waxyeelleeyay laakiin cabsidada ku saabsan ammaankooda waa ay isa soo taraysaa waa na mid meesha ku jirta. Rajiimka Siisi ma uusan xiriro mid walba oo mucaarad ah oo kaliya balse  waxa uu qaadaa tallaabi saf-mareen ah, marka uu sidaas yeelana waxa ay ahaan kartaa mid naxariisdaran. Qiyaastii 60,000 oo qofood ayaa mucaaradnimo darteed koo xiray tan iyo markii afgambigu dhacay.

Jawaabta rajiimku mar horeba waa ay bilaabatay kuma jeeddo kuwa muuqaallada soo dhigay bal’e waxa ay ku wajahan tahay qof muctarif ah: Khaalid Yuusuf waa Film sameeye iyo xubin Baarlamaan kaas oo taageero u muujiyay Siisi intii uu socday afhambigii 2013 sidoo kalana ahaa xubin ka mid ah dadkii dastuurka soo qoray  2014. Yuusuf ayaa Febraayo 3 ku dhawaaqay in uu ka soo horjeedo wax ka beddalka dastuurka asaga oo  Facebook iyo Twitter ku sheegay in tani ay sababi karto xabbisid iyo maxkaamdayn beenabuur ah.

Oddoroska Yuusuf ayaa qayb ahaan run noqday. Labo jilaa oo dumae ah ayaa la xiray Feb. 7-deedi ayada oo lagu eedeeyay in soo duubeen muuqaallo ayaga oo dabagaabyo xiran. Jilayaasha ayaa sheegay in muuqaallada uu Yuusuf duubay kuna duubay gurigiisa, sida ay sheegayaan warbaahinta Masaaridu.

Inkasta oo aan Yuusuf maf ahaantiisa la xirin haddana waxa uu BBC ARABIC u sheegay in uu wajahayo sumcad-dilid. Xiriirka galmada sharcidarrada ah ayaa si xun u dhaawici kara magaca dadka muctarifka ah. Xarigga jalayaasha ayaa halis ku ah in Yuusuf la xiro.

Si la mid ah qareen xukuumadda raacsan ayaa   gudbiyad dacwad ka dhan ah xubin Baarlamaani ah, Haytam Al-Xariiri kaas oo codkiisa ku biiriyay ku diiddan wax ka beddalka dastuurka. Qareenka ayaa Xariiri ku eedaynaya in uu u taleegan ugu hanjabay. Kaas oo la xiriira wicitaan taleefan oo la soo dusiyay oo dhexmaray asaga iyo haweenay maamusha xafiiskiisa.

Arrintu ma ahan in tafeenka la soo dusiyay run yahay iyi in kale ama Yuusuf ku kacay dhaqan lagu maxkamadayn karo balse waa waqtiga ay ku soo aadday. Laamaha ammaanka iyo kuwa caddaaladda Masar ee waqtigaan lagu ma yaqaan taageerada dhibbanayaasha xiriirka galmada. Shan bilood ka hor maxkamad ayaa labo sano oo xarig ah ku xukuntay dhibbane hujuum galmo kadib markii  ay arrintaas dhaleecaysay muujisay sida ay maamuulka ugu dhaliilsan tahay in uu difaaci waayau dumarka dhibbanayaasha ah.

Sidaas darteed, marka qarreen xukuumadda raacsan oo lagu yaqaan sidii uu xukuumadda ugu hawlgalay sannado ka hor uu Xariir ku eedeeyo taleefan ku hanjabid, taasi waxa ay tusaysaa in xukuumaddu tahay danaysato. Qareenkaan qudhiisu bishii Disbembar waxa uu dacwad ku oogay haweenay jilaa ah asaga oo mu eedeeyay in ay labbisatay qaab aan hagaagsnayn. Waa ay iska caddahay in uusan ahayn ruux u dooda xuquuqda dumarka iyo xorriyadda.

Biyo-kam-dhicaanku waa in muuqaallada diidamada wax ka beddalka dastuurku ka sii socdaan warbaahinta bulshada iskana dhagotirayaan weerarka lagu qaaday Yuusuf iyo Xariiri iyo ka cabsashada Siisi iyo laamihiisa ammaanka laga qabay tab iyo 2013. Tani ma ahan tilmaamo muujinaya in rajiimka la ridayo ama horu-socod dhab ah oo ku wajahan  xukun talowadaag oo dalka ka dhaca.  Yeelkeede dadka Masaaridu waxa ay qaadeen ficil wadajir ah waxa ayna mu baraarugsan  awooddooda ay ku jaalenji-garaynayaan kooxda xukunka haysa kuwaas oo abuuray waxa ay Amnesty International uhu yeertau xabsi kor ka furan oo  mucaaradka Masaaridu ku jiraan.

Caro dadwaynaha ayaa si gaabis ah isku soo taraysa. Siisi ku ma raaxaysanayo taageeradii dadweyne ee uu haystay markii uu xukunka qabsaday 2013 iyo 2014. Ra’yo uruuriyaha Masar ee basiira  ayaa ogaatay in taaheerada Siisi ay ahayd 54 boqolkiiba 2014 halka ay 27 boqolkiiba ka ahayd 2016. Marka lagu daro carada dadku ka qaadeen ku tumashada xuquuqda aadanaha waxaa dadka ka sii caraysiiyay siyaasadaha Siisi qaaday  kadib markii uu qiime riday lacagta dalka uu na jaray kabiddii shidaalka taas oo uu qaaday 2016.

Taasina waxa ay sababtay in qiimihii maciishadda daruuriga ahi cirka isku shareero. Isla sannadkaas Siisi waxa uu Sacuudiga siiyay labada  jasiiradood Tiran iyo Sanafir. Xukumayaasha Sacuudiga ayaa ku Siisi taageerayay caawimaad iyo daymi lacageed tan iyo waqtigii afgambiga. Dibadbaxayaashii la damiyau halka tobanaan la xiray markii ay sheegeen in tallaabooyinka siisi aysan noqonayn kuwa aan laga jawaabin.

Nasiibdarro taageerada ay bulshada caalamku siiyeen Siisi waxa ay iska dhagatirtay doonista shacabka Masar.

Madaxweyne Macron-ka Faransiisku booqashadii uu Masar ku tagay dabayaaqadii Jeenaweri waxa ay si aan lagu khaldami karin u taageertay Siisi iyo kooxda xukunka haysa.

Dhaleecayntii Macron ee xaaladda xuquuqda aadanuhu waxa ay ku biyishubatay erayo afka baarkiisa ah markii Faransiisku noqday kan ugu wayn ee hubeeya Masar sannadaan. Marka lagu daro diyaaradaba dagaalka Rafale, maraakiib dagaal iyo satalaydyo ciidan, Faransiisku waxa uu Masar siiyay gawaari qafilan oo loo adeegsaday burburinta mucaaradka Alexandria iyo Qaahiro, si ay sheegayso Amnesty International.

 La yaab ma leh in madaxa Rafale, Dassault uu Macron u raacay booqashadii Masar, booqashada qudheeda ayuu kulan saxaafadeed ka sheegay asaga oo dhinactaagay dhighiisa in “degganaantu aysan diidayn suaasha xuuqadaha aadanaha.” Siisi ayaa ku jawaabay in “Masar aan laga horumarin karin warbaahinta bulshada.”

Siyaasadaha Macron waa qayb yar oo ka mid ah kuwa beesha caalamka oo si aan caadi ahayn u ka jiray kalitalisnimada Siisi.

Madaxweyne Trump ayaa dhiggiisa Masar u sheegay “xiriirkeenna Masar ma jiro mar uu ka adkaa. Waana ka la shaqaynaynnaa Masar dhinacyo kala duwan oo ay ku jiraan xagga ciidan iyo ganacsiga… waa ii sharaf in aan mar labaad kula kulmo.”

Trump sidoo kale waa teegeere wayn oo Sacuudiga kaas dhaqaale ahaan u isna u taageera MW Siisi.

Madaxweyne Masar bishii Feb. 6deedi waxa uu la wareegay guddoomiyenimada Ururka Midoyga Afrika (AU)-waa markii koowaas oo Masar qabato tan iyo aasaaskii ururka 2002-dii.

Kadib markii uu kursig ururka la wareegay Siisi waxa uu jeediyay khubad uu kaga digay khatarta argagixada ee Afrika wajahayso. Kaarka argagixisadu waa mid sii fiican ugu shaqeeya Siisi. Marka laga yimaado hadallada adag ee uu argagixisanimada kaga hadlo Siisi waxa uu ku guuldarraystay in ka adkaado kooxda Dawladda Islaanka ka farcantay ee Siinaay ka dagaallamaysa muddada shanta sannadood ah. Waxa uu na si joogto aj u marin-habaabiyaa bulshada caalanka asaga oo mucaaradkiisa oo dhan ku tilmaama argagixiso islaami ah taasina waxa ay u sahashaa xirxiridooda.

Tani run ma ahan. In badan oo mucaarad Siisi ka mid ahi waa cilmaaniyiin iyo liberaaliyiin. Kuwa Ikhwaan Muslimiinka ah na argagixiso lagu ma tilmaami karo. Kooxdu waxa ay si joogto ah u muujiyaan mucaaradnimo nabad ah.

Awoodda  ay ku khalkhalin lahaayeen xukunka Siisi si wayn ayaa loo shiiqiyay kadib markii la xiriray kumaan xubnohooda ah tan iyo 2013. Haddii in yar oo da’yarta kooxda ahi ay aad xagjir u noqdeen sababtu waa macangagnimada xukuumadda iyo caddaaladdarrada taas oo sababaysa koritaanka xagjirnimada.

Haddii 2011 ka hor siyaasadda Masar ahayd Islaamiyiin vs cilmaaniyiin, taasi Masar maanta ka jirto. Carada iyo diidamadu waxa ay ka soo burqanaysaa dhammaan qaybaha kala duwan ee dadka Masar. In badan oo mucaaradka Siisi ka mid ah waa dadweynaha caadiga ah ee Masar kuwaas oo aan lahayn khibrad siyaadeed ama doonis aragti ku saabsan.

Hogaamiyayaasha Yurub iyo Maraykanka ayay jirtaa midkii ay la safanayaan shacabka Masar ama rajiimka Siisi. Awoodaha Galbeedka ayay jirtaa in ay ka run sheegaan sheegashadooda ah ”in ay la jiraan dhawrista xuquuqda aadanaha iyo caddaaladda, xorriyadda” iyo in ay iska indhosaabayaan marka jaalkoodu ku tumanayo qiyamkaas.

Waxaa Diyaariyay: Cali M Diini

Hadalsame Media