XOG: Dowladdaha Gobolka iyo dowladda Turkiga oo Somaliland ku cadaadinaya inay aqbasho wadahadalo ay la furto Soomaaliya

0

(Addis Ababa) 20 Feb 2019 – Dowladdaha Turkiga, Itoobiya, Ereteriya iyo Jabuuti ayaa ka shaqeynaya islamarkaana ku riixaya Maamulka Soomaliland inuu wadahadal toos ah la yeesho dowladda Soomaaliya si loo dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee gobolka.

Warsidaha Hadalsame oo helay xogta ku saabsan dadaalada dowladdaha gobolka iyo dowladda Turkigu wadaan ayaa la sheegayaa in dowladda Itoobiya ku cadaadisay maamulka Somaliland inuu aqbalo wadahadalada .

Madaxwaynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa casuumaad ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Cabbeey Axmed waxaana la filayaa in Mr. Muuse Biixi Cabdi uu Magaalada Addis Ababa kulan hor dhac ah kula yeesho Madaxwaynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo socdaal ku maraya dalalka Gobolka.

Wararka ayaa sheegaya in dadaaladan ay gar wadeen ka yihiin madaxda dalalka Itoobiya Ereteriya iyo Jabuuti waxaana sidoo kale kor kala socda dowladda Turkiga oo saameyn weyn ku leh gobolka.

Sida xogtu sheegayso Dowladda Soomaaliya ayaa doonaysay in Somaliland ay si toos ah u wadahadlaan oo aan la dhex galin hase ahaatee madaxda maamulka Somaliland ayaa dalbanaya in darafyo dowlado shisheeye wadahadalada gar wadeen ka noqdaan.

Maamulka Somaliland ayaa madaxbanaani is-kiis ah ku dhawaaqay kadib burburkii dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaana deegaanada maamulkaasi ka jira xasilooni dhanka amniga ah iyadoona Soomaaliya doonayso Midnimo.

Lama oga meesha ay ku dambeyn doonaan wadahadaladan u dhaxeeya labada dhinac inkastoo dadka ka hadla arrimaha siyaasadda ay sheegayaan in horrumar fiican laga gaari karo haddii si dhab ah loo wadahadlo.

Hadalsame Media