Xumaanta adigu jooji si aad dadka kale uga celiso! (Akhri sheekadan)

0

(Hadalsame) 20 Feb 2019 – Markuu xukunka qabtay Cumar ibn Cabdilcasiis waxaa u yimi dadkii gabyi jirey oo uga bartay madaxdii hore in wax la siiyo. Wuu diiday inay u soo galaan oo wuxuu ku yiri dadka baahan oo xaqqa u leh in wax la siiyo iiguma jiraan. Nin la taliye u ahaa ayaa ku yiri waa safar waana dad aan afkooda laga nabad gelin ee la hadal.

Markii magacyadooda loo sheegay ayuu mid walba gabay xun oo uu tiriyey sheegay oo yiri kaas iga daa. Mid la oran jirey Jariir ayuu markii dambe yiri soo daaya isagaa u xishood badane. Jariir wax lama siin laakiin in irridda laga furay ayuu weligiis ku faani jirey oo mar ay isu gabyeen gabyaa kale oo maalintaas la celiyey oo Farasdaq la oran jirey ayuu jariir ku yiri:

نفاك الآغر ابن عبد العزيز *** ومثلك ينفى عن المسجد
“Waxaa ku cayriyey Ina Cabdicasiiskii wanaagsanaa, adigoo kalena masjidkaaba laga cayriyaa”

Qofka xoolaha ummadda haya waxaa u soo hanqal taaga dad badan oo horor ah. Qaarkood awood badan ayey leeyihiin oo waa laga baqaa laakiin caddaaladdu awood walba waa ka adkaataa. Haddii xoolaha ummaddu adiga kaa nabad galaan, way kuu fududaanaysaa inaad dadka kale ka celisid.

Waxaa Diyaariyay: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media