Wuxuu ahaa dhalinyaro aqoonyahan ah waxaana si arxan darro ah loogu dilay Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 20 Feb 2019 – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay Masuuliyadda dil aad u fool xun oo dhacay degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo Booliska.

Dilkaan oo ka dhacay maanta xaafadda Siigaale ee degmada Hodan ayaa loo gaystay Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo ahaa nin dhalinyaro aqoon yahan ah kana tirsanaa xaafiska Xeer-illaalinta Qaranka ee dowladda Soomaaliya.

kooxaha dilka gaystay ayaa la sheegay inay wateen Mooyo Bajaaj waxaana wararku sheegayaan inay baxsadeen kahor inta aysan ciidamada Boolisku soo gaarin goobta. Warar ayaa sheegaya in sidoo kale kooxdaan falka dilka ah gaysatay ay horey u sii qaateen gaari yar oo uu lahaa marxuunka ay dileen.

Ururka Al-Shabaab ayaa islamarkiiba sheegtay dilkaan oo ah mid aad looga naxay maadama ruuxa la dilay uu ahaa nin dhalinyaro ah oo la sheegay inuu ahaa aqoonyahay qoyskiisu dadaal badan galiyeen.

Falalka nuucaan ah ayaa dadka reer Muqdisho ku reebay mahadho iyadoona inkastoo dilalku iska dhacayaan haddana ay sii kala xanuun badan yihiin sida ay qabaan dadka Magaalada.

Waxyaabaha dilkaan xasaasiga ka dhigaya waxaa ka mid ah iyadoo marxuunka maanta la dilay Maxamed Mursal hooyadiis Canab Cabdullaahi Xaashi iyadana la dilay 27/09/2017 waxaana lala dilay Wiil ay dhashay Gudoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Maxamed Gabale. Dilkaasi oo dhacay degmada Xamarwayne waxaa sheegtay ururka Al-Shabaab.

Hadalsame Media