Jaadka Kenya oo sidii BAL maanta Muqdisho loogu soo daadiyay! Maxaa ka qaldan go’aanka ganacsatada Soomaalida ee qaadka?

0

(Muqdisho) 20 Feb 2019 – Inkastoo ganacsatada Soomaalida ee qaadka aysan shalay si rasmi ah u sheegeen inay joojiyeen ka ganacsiga qaadka ka yimaada Kenya haddana waxay direen fariin ay kaga jawaabayeen hadalkii dhowaan ka soo baxay dhigooda Kenya kuwaas oo sheegay in madaxbanaanida dalkooda aysan ku iibsan doonin qaad.

Haddaba kadib go’aankii shalay ay ku dhawaaqeen qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed ee ka macaasha qaadka ka yimaada Kenya ayaa waxaa maanta garoonka giyaaradaha Aadan Cadde si aan hore loo arag uga soo degay diyaarado gaaraya ku dhowaad 30.

Diyaaradahaas ayaa ka yimid sida wararku sheegayaan dalka Kenya waxaana ay sideen qaad fara badan oo aan hore loo keeni jirin caasimadda .Qaar ka mid ah shaqaalaha garoonka ayaa u sheegay Hadalsame Media inay la yaabeen tira badnida qaadka maanta soo gaaray Muqdisho waxaana ka dhashay su’aalo badan.

Shaqaalaha garoonka ayaa xaqiijiyay in si caadi ah qaadka uu kaga soo dagay magaalada Muqdisho, iyadoo intii hore ay ka badan yihiin Diyaaradihii qaadka keeni jiray Magaalada Muqdisho.

Tallaabadan ayaa loo fasirtay heerka uu gaarsii sanyahay isku xir la’aanta ganacsatada ka shaqeysa qaadka ee Soomaalida ah kuwaas oo ay muuqato inaysan lahayn isku duubni si la mid ah dhigooda Kenya.

Ganacsatada qaadka ee Soomaalida ayaa ku kala firirsan gobolada dalka mana lahan dallad mid ah oo go’aan hal dhinac ah gaari karta marka ay yimaadaan arrimahaan oo kale.

Hadalsame Media