WACAAL DARAY AH: Maxaa ka jira in ay Addis Abeba ku kulmayaan MW Farmaajo & Muuse Biixi?

0

(Jabuuti) 20 Feb 2019 – Waxaa beryahan soo baxayay warar sheegaya in ay magaalada Addis Abeba ee Itoobiya ku kulmayaan Madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxwaynaha Somaliland oo ah gobol doonayo inuu ka goosto Somalia, Muuse Biixi.

Yeelkeede, Hadalsame Media oo u kuurgalay warkaasi aadka loo hadal hayo, ayaa soo xaqiijiyey inaysan arrintaasi waxba ka jirin.

Warar hoose oo aannu helnay ayaa tibaaxaya in aanu gebi ahaanba jirin kulan iminka qorshaysan oo dhexmaraya labada dhinac, waloow mabda’iyan ay hawada ku jiraan wada hadallo dhaca mustaqbalka dhow, misna waxaan weli la isku raacin madasha, ajendaha shirka iyo doorka haddii ay shirka ka qayb galaan dhinacyo 3-aad, oo ay dalbanayso Somaliland.

Wefdiga MW Somalia oo haatan ku sugan dalka Jabuuti ayaa isla maanta u dhoofaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.

Hadalsame Media