Alessio Romagnoli & Virgil Van Dijk oo hal arrin la marsiin la’yahay fasal-ciyaareedkan

0

(Hadalsame) 20 Feb 2019 – Waxaa iminka meel xasaasi ah balse xiise badan maraya horyaallada Qaaradda Yurub, gaar kuwooda waawayn.

Labada waxaa soo baxday har arrin oo la yaab leh: Tirakoob lagu sameeyay shanta horyaal ee ugu waawayn qaaradda Yurub, waxaa la mari la’yahay laba laacib oo qura.

Labada gaashaan ee Alessio Romagnoli & Virgil Van Dijkwaa labada laacib ee qura oo aan fasal-ciyaareedkan si fool ka fool ah loogu gembinin ama lala dhaafin, hadde waa fasalka soconaya oo dhan.

Labadan laacib ayaa u kala safta kooxaha AC Milan & Liverpool ee dalalka Talyaaniga iyo Ingiriiska, sida ay u kala horreeyaan.

Hadalsame Media