IS BADBADIS & IS BALLAARIN BEEN AH + SAWIRRO (BARO 3 QODOB)

0

(Hadalsame) 20 Feb 219 – Waxaa jirta istaraatijiyad la yiraahdo ”Is badbadis iyo is ballaarin” sida uu qabo qoraaga sheekadan Cabdulqaadir Diiriye, waxaana saldhiggeedu yahay inay bixiso muuqaal ama ra’yi la barariyay oo aan ahayn mid saxda ah.

Haddaba baro seddexdan qodob:

1. Xayawaanka qaar ayaa si looga baqo is ballaariya oo isu muujiya inay xajmigooda ka weyn yihiin, sida qallajisada ama nooc ka mid siilaanyada loo yaqaanno (Frilled Lizard Care Sheet).

1. Qofka rooxaantu ku dhacdo wuuu is badbadiyaa: “Waxaan rabnaa…, Xaqeennii ha nala siiyo…, Waa ka baxaynaa”. Malaha in meesha dhawr guuto oo ciidan ah fadhiyaan ayuu sheeganayaa.

2. Qabiil hal magaalo dega ayaa u kala baxa 5 jilib. Hal jilib ayaa TVga ka cabanaya: “Haddaan nahan beel weynta jilib hebel waan xanaaqnay!” Ereyga ‘weynta’ waa la isku badbadiyaa.

3. Qof ayaa haya derejo aanu keligiis ku ahayn oo lala wadaago. Si uu u muujiyo in tiisu magaca uun kala mid tahay kuwa kale wuxuu gadaal ka raaciyaa ‘Guud’. Guddoomiyaha guud, taliyaha guud, madax dhaqameedka guud. Ereyga ‘guud’ isaguna waa sidaas.

Waxaa Diyaariyay: Cabdulqaadir Diiriye

Hadalsame Media