KENYA: ”Somalia horay ayay noogu saxiixday dhul-badeedkaas!” + Moses Wetang’ula (Kenya oo Muqdisho wefdi u direeysa)

0
Wasiir Moses Wetangula (C) oo shir jaraa'id ku qabanaya Muqdisho, Oktoobar 18, 2011, waxaan garab taagan Wasiirkii Difaaca Somalia ee xilligaasi Xuseen Carab Ciise (Midig) iyo dhiggiisii Kenya, Yuusuf Xaaji (Bidix) oo dhegeysanaya, xilli ay Kenya kusoo duuleen Somalia. AFP PHOTO / Abdurashid ABDULLE (Photo credit should read ABDURASHID ABDULLE/AFP/Getty Images)

(Nairobi) 19 Feb 2019 – Kaddib wax loo arkay khalad diblomaasiyadeed oo weji gabax ku noqday qiyamka Kenya oo uu hindisey Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarad Dibadeedka dalkaasi, PS Macharia Kamau, taasoo keentay wax u eg xiriir jaris aan laga baaraandegin, waloow uu markii dambe ka yara noqday, waxaa iminka soo baxaya warar kale.

Warar ay qoreeyso warbaahinta Kenya ayaa sheegaya in Wasiiradda Arrimaha Dibedda dalkaasi, Monica Juma iyo Madaxtooyada Somalia ay hoos u dhigeen xiisadda ka dhalatay tillaabada hore.

Waxaa la sheegayaa inay xigi doonaan tillaabooyin diblomaasiyadeed oo xaalad dejin ah, iyadoo Wasiiradda lafteeda lagu wado inay Muqdisho booqato marka ay kasoo noqoto shirka dhanka amaanka ah oo ay haatan u jirto magaalada Munich, Germany.

Yeelkeede, Wasiir Dibadeedkii hore ee Kenya, Moses Wetang’ula, ayaa sheegay in xilligii uu wasiirka ahaa ay Kenya iyo Somalia ay isku raaceen in sida uu yiri dhulka lagu muransan yahay iminka ay leedahay Kenya.

Ninkan oo haatan ah senetar metela Bungoma ayaa sheegay in heshiiskaasi la saxiixay xilligii maamulkii Mwai Kibaki.

Wetang’ula ma cayimin taariikhda ama sanadka la saxiixay heshiiskan uu sheegayo, balse wuxuu Wasiir Dibadeed ahaa intii u dhaxaysey 2008 ilaa 2010 iyo markale 2011 ilaa 2012.

“Wasiir Dibadeed ahaan, waxaan la xaajoodey Dowladdii Somalia ee xilligaas. Waxaana isku raacnay in la raaco oo xuduudda loo dhigo hannaanka loolka (latitudinal),” ayuu yiri, isagoo ula jeeda sida ay haatan Kenya ku doodayso, isagoo sheegay inay heshiiska u kala direen QM iyo AU iyadoon dhib dhicin.

Somalia ayaa diiddan in la raaco xarriiqda loolka, iyadoo doonaysa in la raaco xagal joog ah oo raaceeysa xuduudda Somalia.

Wasiir Moses Wetangula (C) oo shir jaraa’id ku qabanaya Muqdisho, Oktoobar 18, 2011, waxaan garab taagan Wasiirkii Difaaca Somalia ee xilligaasi Xuseen Carab Ciise (Midig) iyo dhiggiisii Kenya, Yuusuf Xaaji (Bidix) oo dhegeysanaya, xilli ay Kenya kusoo duuleen Somalia. AFP PHOTO / Abdurashid ABDULLE (Photo credit should read ABDURASHID ABDULLE/AFP/Getty Images)

Hadalsame Media