Muxuu haatan XEERKA caalamiga ihi ka qabaa joogitaanka Ciidamada Kenya ee Somalia?

0

(Hadalsame) 19 Feb 2019 – Ku dhaqanka sharciga aduunka waa qaynuun ay si wada jir ah u qaateen dowlaha aduunka, sharcigaas wuxuu xoojinaayo nabadda, tasoo dhanka kale ilaalineeysa in dowlad aysan dowlad kale ku xad-gudbin. Waxaana qasab ah in dowlad kastaa ay ilaaliso ku dhaqanka qaynuunka aduunka.

KENYA

Kenya, waxay ku eedeeysay Soomaaliya inay tahay dowlad cadaw ku ah dalkeeda, khatarna ku ah dhulkooda, iyadoo dalkeeda ka soo saartay safiirka dalka Soomaaliya, waxayna dib ula noqotay safiirkeeda dalka Soomaaliya.

Hadaba sharciga aduunka marka ay dowlad madaxbanaan ay talaabadaas qaado waxay tahay ayadoo xiriirka diplomacy ay u jartay dowladda kale ee dagaalka ka dhaxeeyo.

MUXUU SHARCIGU KA QABAA JOOGITAANKA CIIDAMADDA KEENYA EE SOOMAALIYA?

Talaabada ay qaaday dowladda Kenya waxay meesha ka saareeysaa inay sii joogaan ciidankeeda dalka Soomaaliya, waa sida uu qabo sharciga aduunka.

Kenya ciidankeedu kuma joogaan dalka Soomaaliya sharci maanta, taas awgeed ciidanka Kenya ma sii joogi karaan Soomaaliya, hadeey joogaana waxay yihiin ciidan xoog ku haaysto dal kale oo madax banaan.

Marka la eego sharciga aduunka ciidanka Kenya wax sharci ah oo ay maanta ku joogaan dalka Soomaaliya ma jirto, taasina waxaa sabab u ah warsaxafadeedkii ka soo baxay wasaarada arimaha dibada Kenya.

Ciidanka Kenya kama sii joogi jaraan Soomaaliya sida markaa uu qabo qaanuunka uu qabo. aduunka..

Waxaa Qoray: Sheekh Nuur Abuukar Qaasim

Hadalsame Media