Wararkii ugu dambeeyay waddooyin muhiim ah oo la dhagax dhigayo si dib loogu dhiso + Sawirro

0

(Muqdisho) 18 Feb 2019 – Waxaa goor dhow lagu wadaa in la dhagax dhigo wadooyinka muhiim ah ee isku xira Magaalada Muqdisho iyo gobollada Shabeellooyinka waxaana socda diyaar garowgii ugu dambeeyay.

Warsidaha hadalsame ayaa fahansan in mashruucaan oo ay maalgalinayso dowladda Qadar la doonayo in dib u dhis lagu sameeyo wadooyinka laamga ah ee iskua xira Jowhar iyo Muqdisho illaa iyo Kan isku xira Muqdisho iyo Afgoye.

Shacabka Magaalada Muqdisho ayaa haddii ay mashaariicdaan sidii la rabay u hirgalaan ku tilmaamay guul taariikhi ah oo Soomaaliya u soo hoyatay maadama wadooyinkaasi yihiin halbowlaha ganacsiga dalka.

Qaar ka mid ah shacabka Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamadu u sheegeen in wadooyinka caasimadda qaar kood ay xirnaan doonaan saacado kooban sidaas darteedna loo hakiyay dhaqdhaqaayadii gaadiidka dadwaynaha.

Waddooyinka xoogga la saaray waxaa ka mid ah jidka warshadaha, Sodonka iyo Wadada wadnaha, waxaana sidoo kale gaadiidka dadwaynaha laga joojiyay wadada muhiimka ah ee Maka Almukarama.Sababta loo xiray wadooyinka ayaa la sheegayaa inay tahay, iyadoo dowladda Soomaaliya madaxdeeda sare ay ka qaybgali doonaan dhagax-dhiga wadada Ex-control Afgoye iyo Tan Ex-control Balcad oo lagu sameynayo dib u dhis.

Dowladda Qadar ayaa maalgalinaysa dib dhiska laamiga isku xira Magaalada Muqdisho iyo gobolada shabeelooyinka.

Hadalsame Media