DHEEF QABE DHIIRRAN VS DHIB QABE DHOOHAN: Qaad iibiyeyaasha Kenya oo ka wadanisanaadey Qaad cunayaasha Somalia

0

(Hadalsame) 18 Feb 2019 – Ganacsatada jaadka ee Kenya ayaa la sheegay maalin walba ay u soo dhoofiyaan Soomaaliya 50 tan oo khaad ah waxaana dowladda Kenya Qaadka ka soo gala malaayin dollar sanadkii.

“Kuma iibsan karno qaad madax bannaanida dalkeenna.. Soomaliya waxay mar walba ku gooddisaa inay joojinayso Qaadka Kenya , si ay usoo jeediso dareenka dowladdeena Kenya,” sida waxaa yiri afhayeenka ganacsatada Qaadka Kenya, Kimithi Munjuri.

Arrintan ayaa la yaab ku noqotay dad badan oo Soomaaliyeed, maadaama uu khaadku yahay maaddo ay dhibaato uun ku qabto Soomaalidu haddii ay ahaan lahayd dhaqan-dhaqaale ahaan iyo bulsho ahaanba, halka Kenya aysan faa”iido mooyee aysan wax khasaare ah ku qabin in lacag adag laga siisto daroogadaas.

Yeelkeede, waxaa soo baxday hal arrin oo ku wareegaalaysanaysa ”naf hurid qaran”, waloow ay arrintani u muuqato ishaaro ay dowladda Kenya siisay ganacsatada khaadka si ay ugusii muuqdaan dad aan kala jeclayn xitaa haddii la joojiyo jaadka oo ah kaar ay Somalia ciyaari karto, misna ganacsatada qaadku waxay muujiyeen hal arrin, taasoo ah inay ka wadanisan yihiin qaad cunayaasha Soomaalida.

Tusaale ahaan, dad badan ayaa la yaabban inay qaad iibiyayaashu ka hor hadleen qaad cunayaasha Soomaalida, halkii ay qaad cunayaasha Soomaalidu Kenya u sheegi lahaayeen inaysan qaadkooda dhib maahane dheef ku qabin.

Qaadka ayaa ah maaddada ugu dhibka badan ee haysata shacabka Soomaaliyeed, taasoo xitaa ka daran rasaasta iyo colaadaha oo ah wax mar laga nasan karo ama laga nasan doono.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media