Kenya waxaa laga doonayaa inay jawaab cad ka bixiso sadexdaan SU’AALOOD?

0

(Muqdisho) 17 Feb 2019 – Xiriirka diblamaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa Mugdi galay, kadib markii dowladda Kenya safiirkeedii kala baxday Soomaaliya islamarkaana ku amartay Safiirkii Soomaaliya u fadhiyay Kenya inuu ku laabto Magaalada Muqdisho.

Kenya ayaa ku eedeysay Soomaaliya in horaantii Bishaan ay Magaalada London ku xaraashtay qeyb dhulkeeda ka mid ah oo ku yaala xaduudka labada wadan.

Hadalkaasi waxaa sheegay agaasimaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibeda Kenya oo isagu shaaca ka qaaday in tallaabada ay qaaday Soomaaliya ay tahay mid sharci darro ah oo lagu xalaaleysanayo Qeyraadka Kenya sida uu hadalka u dhigay.

Haddaba tallaabadan ay qaaday dowladda Kenya ayaa waxaa ka dhalanaya sadex su’aalood, waxayna su’aalahaas u baahan yihiin jawaabo cad cad iyo sharaxaad laga doonayo dowladda Kenya.

  1. Xaraash: Soomaaliya ayaa shirkii shidaalka ee London waxay ku soo bandhigtay xog arruurin laga sameeyay goobaha shidaalku ku jiro ee Soomaaliya waxaana sidaas loo sheegay shacabka Soomaaliyeed, ma jirin wax xaraash ah oo dhacay intii shirku socday. Sidaas darteed waxaa Kenya laga doonayaa inay qodobkaan sharaxaad waafi ah ka bixiso oo meel saarto kalmada Xaraash taasoo u baahan cadeyn dhab ah?
  2. Dhulka lagu muran san yahay: Waxaa jira dhul badeed ay ku muran san yihiin Soomaaliya iyo Kenya waxaana dhulkaasi doodiisu ka socotaa Maxkamadaha Caalamiga ee Heeg iyadoona qaybihii hore ee dooda kiiskaan ay Soomaaliya ku guulaysatay. Taasi waxay wel wel ku abuurtay Kenya. Hase ahaatee shirkii London ee looga hadlayay shidaalka Soomaaliya kuma jirin dhulka lagu muran san yahay ee dacwadiisu socoto. Sidaas darteed Kenya waxaa looga baahan yahay inay sharaxaad ka bixiso goobta dhabta ah iyo dhulka ay sheeganayso ama ay ku doodeyso ee ay Soomaaliya xaraasheyso?
  3. Isbedelka Geeska: Isku soo dhawaanshaha dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eriteriya ayaa walaac cusub ku abuuray dowladda iyo madaxda Kenya waxaana Muuqata in Madaxwaynaha Kenyan Uhuru Kenyanta uu doonayo inuu qash-qashaado xiriirka iyo isbedeladda ka socda Geeska Afrika. Waxay Kenya isku aragtaa dalka kaliya ee xiligaan qash-qashaadi kara isbedelka ka socda Geeska Afrika. Waxaa Jira warar sheegaya in Kenya aysan ku faraxsanahayn isbedelada cusub iyo Isbahaysiga madaxda Geeska Afrika ee dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eriteriya. Taas ayaa keentay in Kenya ay dagaal qabow ku bilowdo Soomaaliya. Madaxwaynaha Kenya Kenyatta waxaa laga doonayaa inuu cadeeyo mowqafkiisa ku saadan isbedelka ka socda Geeska Afrika?

Kenya ayaa ka mid ah dalalka Midowga Afrika ee ciidamadu ka joogaan Soomaaliya waxaana luuqada ay u adeegsatay go’aankeeda ku aadan Soomaaliya, ey Diblomaasiyiintu ku sheegeen inay tahay mid aan wanaagsanayn oo si fiican looga fiirsan, islamarkaana laga fekerin cawaaqibka ka dhalan kara.

W/Q: Mohamed Odowaa

Hadalsame Media