RASMI: Icardi oo kabtannimadii laga xayuubiyay & xaaladda Inter oo qasan

0

(Milano) 13 Feb 2019 – Inter Milan ayaa ku dhawaaqday inay si rasmi ah kabtannimadii uga xayuubisay Mauri Icardi, waxaana bedelaya goolwale Samir Handanovic sida lagu qoray Twitter-ka kooxdaas.

Arrintan lama filaanka ah ayaa muujinaysa xasaradda ka oogan xerada Inter bilihii yaraa ee ugu dambeeyay, kaddib markii uu qannaaska reer Argentine uu ka caga jiidey inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda San Siro.

Arrintan ayaa muujinaysa hal arrin oo ah inaysan u badnayn inuu Icardi, oo ay raadinayaan kooxo badan oo ay ku jirto Real Madrid, uu kusii negaado Inter wixii loo gaaro dhamaadka fasalkan.

Handanovic, ayaa kooxda Nerazzurri galoofiskeeda xirnaa 275 kulan, tan iyo markii uu kaga soo biiray dhanka Udinese sanaddii 2012.

Inter ayaa Twitter ay horay habeenkii xalay ahaa Twitter ay tirtay ugu soo qortay erayga

‘dhaqso’ iyo Icardi oo kabtannimada wareejinaya.

 

Hadalsame Media