Mario Balotelli oo ku wiirsadey guuldarradii Man United!

0

(Marseille) 13 Feb 2019 – Kooxda Man United ayaa waxaa gurigooda uga adeegatey kooxda PSG, jeer cadaadis badan la saarayay ciyaartooyda kooxdaasi oo u muuqdey kuwo bandhig ahaan xuub dhacsaday tan iyo imaanshihii macallinka cusub ee Ole Gunnar Solskjær oo ilaa xad soo nooleeyay macnawiyadda kooxda.

Yeelkeede, guuldarro 2-0 oo weliba gurigooda ihi waxay dib u bilowday gunuunicii taageerayaasha Man U, balse dadka qaar sida Mario Balotelli waxay u ahayd arrin lagu wiirsado oo lagu qoslo.

Super Mario oo hadda Marseille u safta, ayaa kaddib kulankan oo ah lugta hore ee wareegga 16-ka ee Champions League wuxuu Twitter kusoo qoray inuu weli goows dambeedka ku hayo waayihiisii Man City oo ah deriska kooxda la diley.

“Farxad taageerayaasha City, habeen wanaagsan”. “Man Utd ooooooolè”. ayuu soo qoray.

Hadalsame Media