DAAWO: Maxaad ka taqaanaa Maqaayada Wareegta? Ganacsi aan hore loo arag oo Muqdisho laga billaabay!

0

(Muqdisho) 11 Feb 2019 – “Waxaan haynaa cunno macaan, fudud, dhadhan macaan islamarkaana aan si fudud goobtaada kuugu keeni akarno,” ayuu yiri Aadan Ibraahim oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee dib uga soo laabtay wadamada qurbaha haddana ganacsi nuuciisa aan hore loogu arag Soomaaliya ka hirgaliyay Magaalada Muqdisho.

Halkaani waa Muqdisho oo ay ku soo badanayaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee la yimid hal abuuryo kala duwan oo waxtar u leh bulshada.

Goobaha ganacsiga casriga ah ayaa ku sii kordhaya guud ahaan xaafadaha Magaalada Muqdisho, iyadoo aysan bulshada Muqdisho habayaraatee ku niyad jabin dhacdooyinka la xiriira amniga ee ka dhaca caasimadda.

Aadan Ibraahim waa hal abuure dhalinyaro ah waxaana u shaqeeya dhalinyaro ka badan 6. Waxay wataan gaari casri ah oo Muqdisho looga bixiyay Maqaayada wareegta. Waxaa saaran nuucyada kala duwan ee cunnada.

Ganacsigiisa ayaa soo jiitay Bulshada Muqdisho waxaana adiga oo jooga goobtada shaqada ama suuqa kuu imaanaya gaari socda kaaasoo ka larkiisu jaalle yahay islamarkaana ay saaran yihiin dhalinyaro aad u la bisan. Waxay ku leeyihiin ku soo dhawow cabitaan iyo cunnto nuuc walba oo aad u baahan tahay, mid fudud iyo mid culus inta badan.

Qaar ka mid ah dhalinyarada Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay warsidaha Hadalsame Media inay aad uga heleen adeegaan ku cusub caasimadda waxayna ku dhiiragaliyeen dhalinyarada iyo ganacsatada Soomaaliyeed inay la yimaadaan hal abuuro nuucaan ah iyo kuwa ka sii fiican.

Soomaaliya ayaa ka soo kabanaysa dagaalo sokeeye oo la dagay in ka badan 27 sanno waxaana dib ugu soo laabanaya Magaalooyinka dalka oo ay caasimaddu ugu horeysay noloshii caadiga ahayd.

Hadalsame Media