Weeraro loo adeegsaday qaraxyo oo ka dhacay Muqdisho iyo Buur-hakaba

0

(Muqdisho) 12 Feb 2019 – Saraakiil ka tirsan Booliska ayaa sheegay in qarax gaari lagu xiray oo saakay ka dhacay qaybo ka mid ah degmada Hodan ee Magaalada Muqdisho lagu dilay sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Sarkaal ku dhintay qaraxa ayaa magaciisa lagu shegay Xasan Dheere waxaana sidoo kale qaraxan ku dhintay qof kale oo shacab ah sida ay sheegayaan wararku.

Gaariga qarxay oo ahaa nuuca loo yaqaano Kaaribta waxaa watay sarkaalka Booliska ah ee dhintay waxaana sidoo kale dhaawacyo soo gaareen dad shacab ah.

Dhinaca kale wararka laga helayo degmada Buur-Hakaba ee gobolka Bay ayaa sheegay in Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ay fashiliyeen weerar loo adeegsaday qarax Ismiidaamin ah oo saakay goor hore ka dhacay degmadaasi.

Weerarkaan oo lala damacsanaa saldhig ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ku leeyihiin Buur-hakaba ayaa la sheegay in laga hortagay.

Majiraan warar faahfaahsan oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay weerarkaasi marka laga reebo ruuxi gaariga qarxay watay oo dhintay.

Hadalsame Media