Wax ka ogow kulanka dhexmaray Madaxwayne Farmaajo iyo Xoghayaha Q.M Antonio Guiteres

0

(Addis Ababa) 10 Feb 2019 – Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kulan kula yeeshay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guiteres.

Kulankooda ayaa la sheegay in looga wadahadlay xoojinta wada shaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guiteres ayaa balan qaaday inay sii xoojin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Dhinacyada ayaa isku raacay in Qaramada Midoobay ay si dhaqsi ah u soo magacowdo wakiilkeeda arrimaha soomaaliya.

Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa u jooga dalka Itoobiya gaar ahaan Magaalada Addis Ababa ka qaybgalka shirka hoggaamiyaasha Midowga Afrika oo maanta ka furmaya halkaasi.

Shirkaan ayaa diirada lagu saaraya xal u helida amuuraha qaxootiga iyo barakacaayasha qaaradda Afrika.

Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu hadal ka jeediyo shirkaan waxana uu khudbadiisa diiradda ku saarayaa xal-u-helidda iyo maaraynta qaxootiga iyo barakacayaasha ku dhibaataysan dalalka Afrika, gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee ku sugan dalalka deriska ah.

Hadalsame Media