Faahfaahin ku saabsan weerar cirka ah oo la sheegay in lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab

0

(Kismaayo) 10 Feb 2019 – Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in ciidamadooda cirka oo taageerayay kuwa gaarka ah ee Soomaaliya ay Koonfurta Soomaaliya ku dileen sideed xubnood oo ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Weerarkan oo dhacay Jimcaddii ayaa la sheegay inuu ka dhacay tuulada la yiraahdo Kobon oo aan sidaasi uga fogeyn Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in tuulada Kobon ay ahayd xarun Al-Shabaab ay u isticmaalaan inay ka soo abaabulaan weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda Soomaaliya.

Weerarkan cirka ah ayaa la sheegay in wax khasaare ah aysan ka soo gaarin dadka shacabka ah.

Maraykanka ayaa xoojiyay weerarada cirka ah ee uu ka fuliyo Soomaaliya tan markii uu tallada dalkaasi qabtay Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump.

Yeelkeede dadka ka faalooda arrimaha amaanka ayaa sheegay inaysan duqeymaha kaliya ku filnayn in Al-Shabaab looga guulaysto si fudud, taa bedelkeeda loo baahan yahay in sidoo kale la xoojiyo ciidamada Soomaaliya.

Hadalsame Media