Duqeyn ka dhacday Jubbada Hoose

0

(Araare) 09 Feb 2019Saraakiil ka tirsan Ciidamada Soomaaliya ee ku sugan deegaanada maamulka Jubbaland ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay in duqeyn ka dhacday tuullada Araare lagu dilay sida ay sheegeen xubno ka tirsanaa ururka Al-Shabaab.

Saraakiishu ma aysan sheegin inta ay dhan yihiin xubnaha la dilay laakinse waxay xaqiijiyeen in diyaaraddaha Drones-ka loo yaqaano ay xalay gantaalo ku tuureen goob ay isugu soo arruureen saraakiil iyo maleeshiyooyin ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeyntaan oo dadka deegaanku xaqiijiyeen ayaa la sheegay inay ka dhacday buundada Araare ee gobolka Jubbada halkaasi oo ay ka taagan tahay xiisad u dhaxeysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Maraykanka ayaa sheegay inaysan suuragal ahayn in goor dhow guul laga gaaro duqeymaha ka dhanka ururka Al-Shabaab, waxayna sheegeen in loo baahan yahay in la xoojiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si ay ugu guuleystaan dagaalka ka dhanka ah kooxaha mitidiinta ah ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Hadalsame Media