ONLF oo aqbashay inay hubka dhigto

0
EASTERN OGADENIA, EASTERN ETHIOPIA - OCTOBER 14: Large forces of ONLF fighter, about 160 strong, are getting ready to receive their defense minister, October 14, 2006 in Ethiopia. Such a force represents in the struggle a medium size battalion. (Photo by Jonathan Alpeyrie/Getty images)

(Jigjiga) 09 Feb 2019 – Wararka laga helayo deegaanka ismaamulka Soomaalida ayaa sheegaya in markii ugu horeysay la gaaray heshiis hub ka dhigs ah oo laga saxiixayJ abhadda ONLF.

Heshiiskaan ayaa la sheegay inuu yahay midkii ugu muhiimsanaa ee dhexmaray Ismaamulka Soomaalida iyo kooxda Jabhadda ONLF oo dhowaan heshiis la gaartay dowladda Itoobiya.

Hehiiskaan waxaa qayb ka ah in ONLF hadda kadib ka shaqayn doonto oo maamulka deegaanka garab ku sii doonto sidii dadka deegaanka looga saari lahaa saboolnimada, islamarkaana looga hortagi lahaa xadgudubka xuquuqda Insaanka iyo tacadiyada kale.

ONLF waxay muddo ahayd Jabhadda ugu weyn ee dalka Itoobiya iyo deegaanka Soomalida waxaana dagaalo ay la gashay dowladda Itoobiya ku nafwaayay kumanaan qof iyadoona ay ku barakaceen dad badan.

Dowladda Itoobiya ayaa kadib u aqoonsatay ONLF inay tahay koox argagixiso ah hase ahaatee Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Cabbeey Axmed ayaa ka qaaday xayiraadii saarneyd isaga oo sheegay in ONLF aysan aheyn urur argagixiso, taasoo bilow u noqotay heshiis labada dhinac dhexmaray.

Madaxda sare ee ONLF iyo madaxa dowlad deegaanka ayaa ku wada heshiiyay in Maleeshiyooyinka ONLF laga dhigo hubka , dhaqancelina loo sameeyo.

Hadalsame Media