Wararkii ugu dambeeyay ee shirka shidaalka London oo furmay & dibad bax kooban oo dhacay! + Sawirro

0

(London) 07 Feb 2019 – Magaalada London waxaa ka furmay shir lagaga hadlayo arrimaha shidaalka Soomaaliya.

Shirkaan oo ay soo qaban qaabisay shirkada Spectrum ayaa waxaa ka soo qeyb galay wafdi isugu jira Doowlada Federaalka iyo wakiilo ka socda maamul goboleedyada.

Ujeedka shirka ayaa lagu tilmaamay soo bandhigida sahan la xiriira shidaalka gunta badda soomaaliya oo ay sameysay shirkada Spectrum.

Shirka ayaa waxaa kaloo uu daaranyahay in shirkadaha daneenaya maalgashiga iyo soo saarista shidaalka Soomaaliya loo bandhigo xogta shidaalka.

Dhinaca kale waxaa dibadbax aan sidaa u waynayn oo shirka ka dhan ah uu ka socdaa ilinka hore hudheelka uu kulanka ka socdo.

Dibadbaxyaasha ayaa sita boorar ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ka dhan ah Doowlada Federaalka iyo shirka.

Wafuuda shirka ka qeyb galeysa oo aan gooni gooni ula xiriiray ayaa ii sheegay in aanu jirin wax heshiis ah oo hadda la saxiixayo.

Shirkada Spectrum waxaa ruqsada sahminta la siiyay bishii Sebtembar sanadkii 2015.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Dhoorre

Hadalsame Media

Hadalsame Media