DAAWO: Dunida kubadda cagta oo weli ku qoslaysa wixii ku dhacay Sergio Ramos + Sawirro

0

(Barcelona) 07 Feb 2019 – Kulankii El Classico ee xalaytoole waxay dadku daawadeen laba ciyaarood oo isku dhex jirta, waayo Nelson Semedo ayaa sameeyay hal gooysmo oo ay abid ku faani doonaan taageerayaasha Barcelona.

Semedo ayaa mar uu kubadda ku haystey meel gees ah oo ka tirsan diilinta 18-aad, waxaa si kal iyo laab ah isu soo baaciyay kabtan Real Madrid ee Sergio Ramos.

Yeelkeede, Semedo oo il qooreedka ka eegayay ayaa boorarka u diray Ramos oo kubad la’aan ah, kulankii 1-1 ku dhamaaday ee Nou Camp ku dhex maray lugta 1-aad ee nus-dhamaadka Copa del Rey.

Lucas Vazquez ayaa goolka koowaad dhaliyay 10-kii daqiiqo ee ugu horreeyay, balse Malcom ayaa ka daba geeyay 12 daqiiqo markii uu socdey gelinkii labaad ee ciyaarta.


Hadalsame Media