DAAWO: Muxuu Madaxwayne Farmaajo ka yiri arrinta Shidaalka Soomaaliya?

0

(Muqdisho) 07 Feb 2019 – Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay shirka suuq geynta shidaalka Soomaaliya oo maanta  ka furmay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Madaxweynaha oo ka hadlayay xiritaanka shirka Garsoorka dalka oo markii u horeysay lagu qabtay Magaalada Muqdisho burburkii dowladdii dhexe kadib, ayaa sheegay meeshana ka saaray warar ay faafiyeen mucaaradka maamulkiisa kaasoo ahaa in dowladda Soomaaliya xaraashayso shidaalka Soomaaliya.

Mr. Farmaajo ayaa carabka ku adkeeyay in 50 xirmo oo ah dhul ku teedsan 173,000 KM oo ay soo sahmisay dowladdii hore, xog ay keydisay lagu wareejiyay shirkad ku taala Ingiriiska, waxaana uu sheegay Madaxawaynuhu in la soo bandhigi doono xogtaas, si ay uga soo baaraan dagaan shirkadaha ka qeybgalaya shirka Magaalada London kuwaas oo daneeya arrimaha Batroolka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhinaca kale sheegay inay jiraan siyaasiin iyo madax ka tirsan dowladdii hore oo doonaya inay dumiyaan dowladda hadda jirta, iyagoo ka leh danno u gaar ah.

Hadalka Madaxwayne Farmaajo ayaa u muuqday inuu jawaab u ahaa qoraalo is-daba joog ahaa iyo warar ay faafinayeen saacadihii ugu dambeeyay madaxda xisbiyada mucaaradka ah ee ka soo horjeeda dowladda kuwaas oo sheegay in la xaraashayo shidaalka Soomaaliya.

Hadalsame Media