MW FARMAAJO:-“Ninka Garsooraha ah waa mid u dhexeeya Ummadda oo dhan”. Madaxwaynaha oo fariin u diray garsoorka dalka

0

(Muqdisho) 07 Feb 2019- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed farmaajo ayaa Garooyashaa Maxkamadaha Dalka u soo jeediyay in ay shaqadooda wanaajiyaan si uu hoggaanka Dalka u noqdo mid toosan.

Madaxweynaha oo ka hadlayay Shir Sanadeedka Garsoorka Dalka oo Shalay ka furmay Magaalada Muqdisho,ayaa muhiimadda kulankani ku tilmaamay mid lagu qiimeynayay wixii qabsoomay iyo in dib loo milicsado wixii qabsoomin Sanadihii la soo dhaafay, taas oo aqoon koronsi u ah howl-wadeennada Garsoorka Dalka.

Shaqada Garsooraha ayuu ku tilmaamay tan ugu wanaagsan, maaddaama uu yahay Qof u xil-saaran in uu kala saaro xumaha iyo wanaagga, kaas oo haya mas’uuliyad sharafeed, isla markaana ah shaqsi u soo kallaha inuu raadsado ajir, wixii uu qaldana lagula xisaabtamayo Adduun iyo Aakhiro.

“Ninka Garsooraha ah waa mid u dhexeeya Ummadda oo dhan, hadduu wax wanaagsan ka shaqeeyo, Caalamka oo dhan ayay wada taabanaysaa,halkan bay caddaalad usoo doonanayaan, hadduu wax xun ka shaqeeyana sidoo kale, halkiis oo uu halleeyo ayaa sharafkii Soomaaliya halleynaya” ayuu yiri Madaxweynuhu.

Wuxuu sheegay Madaxweynahu in Caalamka uu qiimeyn ku sameynaya sida ay Maxkamadaheenna u qabtaan dacwadaha iyo sida uu Garsoorku u shaqeeyo, isagoo sheegay in howsha Garsoorka oo wanaagsanaata ay sare u qaadi karto sumcaddeenna.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Sanadkan gudahiisa la dhisi doono Guddiga Adeegga Garsoorka, lana marsiin doono Baarlamanka Soomaaliya, wuxuuna ku ammanay howl-wadeennadu sida ay ugu Dhabar adeegeen shaqada culus ee ay Qaranka u hayaan

Hadalsame Media