Dhismaha cusub ee Wasaaradda caafimaadka dowladda Soomaaliya oo maanta lagu qabtay shir muhiim ah + Sawirro

0

(Muqdisho) 06 Feb 2019 – Shirka tubta horumarinta arrimaha bulshada ayaa maanta lagu qabtay xarunta wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya waxaana looga hadlay dar-dar gelinta halbeegyada iyo hawlaha tubta ee sannadka 2019.

Waxaa shirkaan ka qaybgalay wasaaradaha, guddiyada iyo dhammaan hay’adaha halbeegyada ku leh tubta arrimaha bulshada, ayaa waxaa guddoomiyay Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, oo sheegay in ay muhiim u tahay dawladda hagaajinta iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee lagama maarmaanka u ah bulshada, isaga oo hoosta ka xariiqay in ka ga’antahay tayanta qaab nololeedka mawaadiniinta Soomaaliyeed.

Sannadkaan 2019  ayay xukuumada Soomaaliya ugu magac-dartay sanadkii fulinta halbeegyada ku jira dhammaan tubaha qaranka waxaana kulamadii tubaha loo wareejiyay xarumaha wasaaradaha.

Himilooyinka Tubta Horumarinta arrimaha bulshada ayaa ka kooban Horumarinta hab-racyada, Istaraatiijiyadda iyo sharciyada lagu horumarinayo adeegyada bulshada, sare u qaadidda aqoonta iyo xirfadaha iyo in fursado shaqo loo abuuro mawaadiniinta Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada, in xal waara loo helo barakacayaasha, in mawaadiniinta Soomaaliyeed ay helaaan adeegyada bulsho ee aasaadsiga ah sida Caafimaad, Waxbarasho, biya nadiif ah iyo Koronto iyo in mawaadiniinta Soomaaliyeed lagu wacyi geliyo diinta, wadaniyadda iyo xuquuqda aadanaha.

Hadalsame Media