Jooji gudniinka Fircooniga ah + Sawirro

0

(Muqdisho) 06 Feb 2019 – Munaasabadani oo lagu xusayay maalinta caalamiga ah ee u dulqaadasho la’aanta gudniinka Fircowniga ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho,waxaana si wada jir ah u soo qaban qaabiyay Wasaaradaha Caafimaadka iyo Haweenka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa ka qeybgalay wasiirka caafimaadka Dowladda Soomaaliya,Gaasimaha guud ee Wasaaradda Haweenka,Senator SamSam Daahir iyo marti sharaf kale,waxaana halkaasi lagu soo bandhigay aragtiyo ku aadan muhiimadda ay u leedahay gabdhaha in cirirtiro caadada gudniinka fircowniga ah.

Sahro Cali Bare oo ah u qaabilsanahay mashruuca ka hortagg agudniinka Fircowniga ee wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa fah faahisay tirade dumarka haatan la dhiban gudniinkai guud ahaan dunida.

“Een dunida maanta oo kale 6 February waxaa laga xusaa gudniinkan,ku dhawaad 120 ilaa 140 Milyen  ayaa hadda  la dhibaatoonaya gudniinka Fircowniga guud ahaan caalamka,sida halkani ay dhibaato ugu jiraan 3 Milyen oo kale,sida ay xaqiijisay hay’adda Caafimaadka aduunka”. Ayay tiri Sahro.

Agaasimaha guud ee Wasaaradad Haweenka iyo Xuquuqulinsaanka Soomaaliya Deeq Suleymaan Yuusuf iyo Senator SamSam Daahir oo halkaasi ka hadlay ayaa ka dhawaajiyay in muhiimad gaar ah la siin doono sharciga ka hortagga gudniinka fircowniga,si uu baarlamaanka Soomaaliya labadiisa aqal ay u meel mariyaan.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa siweyn uga hadashey dhibaatooyinka haweenku ay ku qabaan gudniinka Fircowniga ah.

“Gudniinkan waa caadi aad u fol xun oo gabdhahayna aad ugu silcaan oo markii ay weynaadaan ay ka qaadaan Trumo ama mark ay umulayaan ay dhibaatooyin kala kulmaan iyo guud ahaan nolosha hooyo nimo,waan ognahay in culimadu ay ka hadashey in Diintu aysan raad ku lahayn gudniinkani,marka waa dhibaato”. Ayaya tir Wasiir Fowsiyo.

Maanta oo kale ayaa guud ahaan caalamku waxaa loo asteeyey xuska maalinta caalamiga ah ee ka hortagga gudniinka fircowniga ah,waxaana la qabtaa xiliyadan oo kale olole ballaaran oo looga wacyigelinayo bulshooyinka caalamka qatarka gabdhaha ay kala kulmaan gudniinkani.

Hadalsame Media