Ninkii 2-aad oo ka tirsanaa Xisbiga ugu Islaam neceb dunida oo Muslimay!

0
DONCASTER, ENGLAND - SEPTEMBER 25: Joram Van Klaveren from the Dutch Voornederland addresses party members and supporters during the UK Independence Party annual conference on September 25, 2015 in Doncaster, England. After increasing their vote share following the May General Election campaign the UKIP conference this year focussed primarily on the campaign to leave the European Union ahead of the upcoming referendum on EU membership. (Photo by Ian Forsyth/Getty Images)

(Amsterdam) 05 Feb 2019 – Nin horay uga tirsanaa xisbiga shacbawiga ah ee midigta fog ee Geert Wilders (oo isna ah nin Islaamka aad u neceb) ee dalkaasi Holland ayaa ku dhawaaqay inuu qaatay diinta Islaamka.

Joram Van Klaveren oo aad u cambaarayn jirey Islaamka ayaa sheegay in uu bilaabay inuu buug ka qoro Islaamka. “Intii aan qorista ku guda jirey ayaan ka hor imid xaqiiqooyin aragtidaydii Islaamka kala xooray,” ayuu ku yiriidaacadda Dutch radio.

Van Klaveren ayaa xubin ka ahaa Xisbiga Freedom Party (PVV) min 2010 ilaa 2014, balse wuxuu xisbiga iskaga tegey 2014, markii uu Wilders taageerayaashiisa oo isu soo baxay waydiiyay inay doonayaan Marookaan yar ama badan oo ay jamaahiirtii ku qayliyeen “In yar!, in yar!, in yar!”

Kaddib markii uu ka tegey PVV, Van Klaveren wuxuu samaystay xisbi u gaar ah oo la yiraahdo For Netherlands Party, balse hal kursi kama helin doorashadii baarlamanka ee 2017, kaddibna wuu iskaga baxay siyaasadda.

Van Klaveren oo aad u dhaliili jirey Islaamka xilligii PVV ayaa mar yiri “Islaamku waa been” iyo “Qur’aanku waa sun,” sida uu weriyay warsidaha NRC. Balse iminka wuxuu sheegay in xisbiga PVV uu ku dhaqmo siyaasad ah in wixii xunba Islaamka lala xiriiriyo, taasina ay khalad tahay.

Arnoud van Doorn, oo ahaa sarkaal ka tirsanaa PVV oo laftiisu horay u Islaamay ayaa u hambalyeeyay Van Klaveren isagoo Twitter kusoo qoray: “Marna ma filaynin in PVV uu noqon doono meel ay kasoo fufaan dadka qaadanaya Islaamku.”

Hadalsame Media