”Dowladda hallooga dambeeyo go’aamadeeda, iyaduna si daalacan ha u fasirto arrimaha ku aaddan SHIDAALKA!” + Jaantus

0

(Muqdisho) 05 Feb 2019 – Waxaa jirta dood ka oogan shirkad la sheegay inay ka shaqaynayso soo saarista shidaalka Soomaaliya, iyadoo ay dadka qaarkood saluugsan yihiin daah-furnaanta arrintan, halka qaar kale ay dood ka qabaan in wadciga iminka lagu jiro aysan ku habboonayn in arrimahaa la galo.

Wasiir Dibadeedkii hore ee dalka, Yuusuf Garaad, ayaa aragtidiisa ka dhiibtey arrintan isagoo boggiisa Facebook kusoo qoray: ”Mas’uuliyiinta Dowladda ha looga dambeeyo, ha lagu ixtiraamo, hana lagula xisaabtamo go’aannadooda.

Wuxuu intaa daba dhigay talo kale oo uu siinayo madaxda DF Soomaaliya: ”Iyaguna si daalacnaan ah ha u fasireen howlaha ku wajahan shidaalka, iyaga oo maanka ku haya tuhunka loo garaabi karo ee ka sokeeya kheyraadka dalka – bad iyo berriba.”

Shirkado ay ku jirto Soma Oil and Gas oo la shaqeysa doowlada Soomaaliya ayaa lagu dhaliilay in ay ka faa’iideystaan meelaha aan xasiloonida iyo nidaamka cadi ka jirin ee Afrika si ay macaash badan uga sameeyaan iyagoo xaaladda ka faa’iidaysanaya.

 

Hadalsame Media