DAAWO: Maraykanka oo doortay dalka xiga ee uu weerari rabo (Somalia oo ka mid ah meelaha…)

0

(Washington, DC) 05 eb 2019 – Maraykanka ayaa sheegay inay dookhyadiisa hore ka mid tahay inay tillaabo millateri ka qaadaan dalka ku madax adaygay ee Venezuela, waxaanse dookhyada ka mid ahayn in lala hadlo madaxwaynaha dalkaasi Nicolas Maduro, sida uu hoosta ka xarriiqay madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump oo Waraysi bixinayay Axaddii, gaar ahaan barnaamijka CBS ka baxa ee Face the Nation.

Washington ayaa qaab soo booddo ah ugu faraq xiratey ninka mucaaradka ah ee Juan Guaido, kaasoo laba jeer iskii iskugu dhaariyay inuu yahay ”madaxwayne KMG ah” laba todobaad kahor.

Dalalka Maraykanka ologga la ah ee daanta kale ka qaaqama Badda Atlaantigga sida Midowga Yurub ayaa taageero siyaasadeed durba u muujiyay Guaido, balse Russia, Mexico, Turkey, China iyo dhowr dal oo kale ayaa ganafka ku dhuftay sennaariyo u eg midkii lagu dumiyay dalal dhisan sida Ciraaq, Liibiya, Suuriya iwm.

Maraykanka ayaa u muuqda mid aan ka shallaysanayn khaladaadkii siyaasadda arrimaha dibedda ee horay u dhacay, kuwaasoo uu dabkoodii weli daaran yahay.

Haddaba, waxaa la soo saaray liiska dalalkii uu Maraykanku ku sameeyay faragelinta ciidan 20-kii sanadood ee lasoo dhaafay, waxaana dalalkaa ka mid ah Somalia oo uu iyada ka galaa baxayay tan iyo dagaalkii ay la gashay Amxaarada, isagoo marba weji ku salaamaya.

Halkan ka DAAWO….

Hadalsame Media