RASMI: Facebook oo hirgeliyay inuu qofku dib u TIRI karo farriin uu diray!

0

(Menlo Park) 05 Feb 2019 – Facebook ayaa sheegay in hadda kaddib ay adeegsadayaashu awoodi doonaan inay la noqdaan farriimaha ay diraan muddo ku siman 10 daqiiqo.

The Verge ayaa sheegaya in wixii maanta ka bilowda, in dadka haysta dufcadda ugu dambaysa Messenger-ka ee iOS iyo Android, ay la noqon karaan farriimaha ay saluugaan ama aysan ugu tala gelin inay qofka guddoomey u diraan.

Wuxuu qofku haystaa laba dookh oo kala ah qof kasta ka tir “Remove for Everyone” ama qofka kale uun ka tir “Remove for You”.

Haddii aad doorato qof kasta ka tir wuxuu weli meeshii ku reebayaa qoraal sheegaya inaad farriin tirtay laakiin qofku ma ogaan karo nooca ay ahayd.

Dadka Facebook isticmaala ayaa muuqaalkan dalbaday kaddib markii la arkay Agaasimaha Guud ee Facebook, Mark Zuckerberg, oo farriin uu diray tiraya, waxayna markaa dalbadeed in shaac laga dhigo badhanka “unsend” si uu qof kasta uga faa’iidaysto.

Hadalsame Media