Wakiilkii Shirkada DP World ee dekadda Boosaaso oo toogasho lagu dilay

0

(Boosaaso) 04 Feb 2019 – Wararka laga helayo Mgaalada Boosaaso ee  xarunta Gobalka Bari ayaa sheegaya in la dilay madaxii shirkada DP World ee dekedda Boosaaso, sida ay sheegaan dadka deegaanka iyo booliska.

Paul Anthony Fermosa ayaa lagu dhex qaarajiyay xaafiiskiisa waxaana wararku sheegayaan in dilkaasi uu gaystay nin hubeysan.

Wararka ayaa sheegaya in ruuxa dilkaan gaystay uu ka mid yahay iskaashatada kalluumeysiga ee gobolka Bar.

Booliska ayaa sheegay in sarkaalkan ajinabiga ah uu ku dhintay Isbitaal ku yaala magaalada Boosaaso oo dhaawac ahaan loo geeyay.

Sidoo kale Ciidamada amaanka ayaa waxay gacanta ku dhigeen ninka dilka geystay oo la sheegay inay dhaawaceen ciidamada illaalada dekadda Boosaaso.

Illaa hadda lama oga sababta loo dilay wakiilkii DP World ee dekadda Boosaaso.

Hadalsame Media